Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Image

MUQDISHO — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan booqasho rasmi ah ku tago Sacuudi Carabiya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin, booqashadan oo ku soo beegmaysa xilli ay isbeddel ku jiraan xulafada Soomaaliya.

Safarkan ayaa imanaya kaddib markii Muqdisho iyo Riyadh ay is dhaafsadeen farriimo muujinaya taageero iyo wadajirka labada dal, kadib xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta (UAE).

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya, oo ku baaqday in UAE ay joojiso waxa ay Riyadh ku tilmaantay “faragelin ku saabsan madaxbannaanida Yemen.”

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha uu diiradda saari doono xoojinta xiriirka labada dal, wadashaqeynta gobolka iyo arrimaha amniga, iyadoo sidoo kale laga filayo in lagu sii adkeeyo is-afgaradkii cusub ee labada dowladood ka dhaxalay.

Booqashadan ayaa imaanaysa iyadoo gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe ay wajahayaan isbeddelo siyaasadeed oo saameynaya xiriirka dalalka Carabta iyo istiraatiijiyadda Soomaaliya ee gobolka.

Xasan Sheekh ayaa booqday Jabuuti iyo Turkiga, isagoo taageero u raadinaya dadaallada diblomaasi ee lagu difaacaya madax-banaanida dalka kadib aqoonsiga Somaliland ka heshay Israel, taasoo dhalisay cambaareyn caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM