Xasan Sheekh: Soomaaliya waxa ay ku jirtaa xaalad ba'an oo abaareed

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweyne Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyey shirka deegaanka iyo isbaddalka cimmiladda ee Jabuuti.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka deegaanka iyo isbaddalka cimmiladda ee Jabuuti ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee ku aaddan ka hortagga xaalufinta iyo nabaad guurka deegaanka.

Madaxweynaha oo dul istaagay saamaynta baaxadda leh ee isbeddelka Cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan wadashaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada isbadalaysa.

"Soomaaliya waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada," ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda dunida oo dhan saameysay ee isbaddalka cimmilada, inagoo dhawaan daah furnay Hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka".

Shirka oo ay ka qeyb galeen wufuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka ayaa la iskula meel dhigay tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta Isbeddelka Cimilada ee Wadamada gobolka.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa dhanka kale si wadajir ah xariga uga jaray, xarunta cilmi baarista deegaanka oo laga hirgaliyey dalka Jabuuti. Xaruntan waxay qaban doontaa wax ka qabashadda dhibaatooyinka degaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India oo taageertay midnimada Soomaaliya, xilli ay iska fogaysay aqoonsiga Somaliland

Go’aankan ka soo baxay Hindiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad diblomaasiyadeed ka jirto Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 12:42PM

Shiinaha oo ka hadlay dib u dhaca booqashada Wasiir Wang Yi ee Muqdisho

Bayaan ay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho soo dhigtay fiidnimadii Jimcaha, ayay Beijing ku sheegtay in la beddelay jadwalkii safarka Wang Yi.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 07:36AM