XFS: Heshiiska mucaaradka kuma jirin badalida taliyeyaal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigtay in heshiiska ay la gashay mucaaradka uusan jirin qodob xeerinaya in la bedelo taliyeyaasha ciidamadda qaranka.

Wasiirka amniga, Xasan Xundubey Jimcaale oo u waramay barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA-da, ayaa daaha rogay in xukuumadda aysan hadda qorshaha igu jirin bedelida taliyeyaasha.

Balse, sida uu cadeeyay Xundubey, waxaa suurtagal in isbedelkaas ay ku yimaadaan "talooyin kale" oo uu ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta uu helo mudada uu ku guda jira arrimaha doorashadda.

Dhawaqa Xundubey ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen hadalheyn ku saabsan in Rooble uu isbedel ku sameyn karo taliyeyaasha ciidamada si uu helo kalsooni badan.

Hadalheyntaas waxaa abuuray qodobka lixaad ee heshiiska ay 5-tii bishaan May ku gaareen Mudisho xukuumadda iyo mucaaradka kaasoo kusoo afjaray xasaradaha iyo isku-dhacyada hubeysan.

Qodobkaas wuxuu xeerinayaa in dib-u-habeyn lagu sameeyo hogaanka hay'addaha ammaanka taasoo ay kasoo talobixinayaan guddi khuburo ah oo ra'iisul wasaaraha uu magacaabi. Lama shaacin mudada.

Heshiiskaas ayaa soo deg-degay markii ciidamadda milatariga ay ku kala qeybsamaan muddo kororsiga qaarkood soo galeen Muqdisho kuna dhawaaqdey Aqalka dalka looga armiyo ee Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM