XFS oo ka hadashay duulimaadyada Ethiopian Airlines ee Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ayaa ka hadashay duulimaadyadda Ethiopian Airlines ka hirgelisay Puntland iyo cabasho ay arrintaasi ka gudbiyeen shirkadaha diyaaradaha dalka.

Shirkadda Duulimaadka Caalamiga ah ee Itoobiya ayaa todobaadkii saddex jeer ku duulimaad ku tegi doonta magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso, kaasi oo ay si rasmi ah u bilowday 15-ka bishii hore ee July.

Iyadda oo ay tahay mid door weyn ka cayaareysa Shirka Maalgashiga Puntland, tani ayaa ka dambeysay markii madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxda shirkadaasi ay isla meel-dhigeen arrinkan.

Shirkadaha diyaaradaha waddaniga ah ayaa waxay ku doodayaan Ethiopian Airlines ay kala kulmeen "tartan aan xalaal ahayn" ayna la wareegtay qayb kamid ah duulimaadyadda maxaliga ah ee dalka.

Sidda uu dhigayo heshiiska duulimaadka ee Itoobiya iyo Soomaaliya, diyaaradaha dowliga ah ayaa isaga kala gooshi kara magaalooyinka labada dal, balse kama dhex-shaqeyn karan laba magaalo.

Mas’uuliyiinta diyaaradaha maxaliga ah ayaa su'aal ka keenay socdaalka ay Ethiopian Airlines ee caasimadda Puntland iyo xarunta gobolka Bari, iyaga oo u fasirtay in ay labada magaalo dhexdeeda rakaab kala geynayso.

Balse wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya oo wareysi gaar siiyay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da soona bandhigay mowqifka xukuumadda kana jawaabay cabashada shirkadaha ayaa arrintaasi meesha ka saarey.

Marka laga soo tago heshiiskii hore oo kala xadidaya, sida uu ka dhawaajiyey wasiirka, waxaa jira axdi kale oo qabyo ah kaasi oo isku furaya isu socodka duulimaadka labada dhinac.

"Heshiiska kale ee qabyadda noo ah waxaa inoogu qoran in diyaaradda ay Addis Ababa ka imaan karto tagi karto Garowe, tagi karto Boosaaso laakiin Garowe iyo Boosaaso inta u dhaxeysa aysan rakaab u kala qaadi karin," ayuu xusay.

Ethiopian Airlines ayaa qayb ka ah diyaarado caalami ah oo kusoo dhiiraday in ay duulimaadyo ka bilaaban Soomaaliya muddo kadib, taasi oo timid markii lasoo celiyay heshiisyo labada dal ka dhaxeeyay.

Ugu dambeyntii, Oomaar oo qiray in ay jiraan Xujey Soomaaliyeed oo ay Ethiopian Airlines qaaday ayaa tibaaxay in arrintaasi loo sameeyay iyaga oo la eegayo danta Xujeyda oo ah in ay si toos ah u tagaan Sacuudiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM