Xidigaha 17-jirada ee guusha soo hooyay oo aad loo maamuusay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu qaabilay halkaasoo bilad-sharafyo lagu guddoon-siiyey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad maamuus ah ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka xulka 17 jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Isreebreebka Afrika ee Bariga iyo Bartamaha.

Xasan Sheekh oo hadal-jeedin ka sameeyay xafladda ayaa ku ammaanay in ay kor u qaadeen magaca umadda Soomaaliyeed, dhallinyarada dalkana ay u fureen iridaha guusha.

Madaxweynaha oo ay garbihiisa taagan yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa hadiyado iyo billad-sharafyo guddoonsiiyey maamulka, macalimiinta iyo ciyaaryahannada xulka 17-jirrada ee guushan taariikhiga ah u soo hoyey qarankeenna.

Hadal-jeedintiisa ayuu ku nuux-nuux-sadey sida ay dowladda uga go’an tahay in gacan ay kula dagaallanto argagixisada Alshabaab, gacanta kalena mustaqbal ifaya ugu abuurto dhallinyarada Soomaaliyeed.

"Dhallinyarada 17-jirka ah ee maanta magacaas inoo soo hoyey iyo dhiggooda geesiyaasha ah ee furimaha dagaalka ka difaacaya dadkooda waa labo ifafaalo oo muujinaysa kartida iyo waxa ay qaban karaan shacabka Soomaaliyeed," ayuu xusay.

Dhankooda, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo uu matalayey Guddoomiye Kuxigeenka Labaad C/llahi Sheikh Nuur ayaa Madaxweynaha guddoonsiiyey Koobka ay ku soo guuleysteen xidigaha soo kacaya ee Qaranka.

Hadal-jeedin uu ka sameeyay munaasabadda ayuu madaxeynaha uga mahad-celiyey maamuuska iyo dhiirri-gelinta uu u sameeyey bahda ciyaaraha dalka, wuxuuna sheegay in ay tahay mid kor u qaadeysa niyadda ciyaartoyda xulka qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM

India oo taageertay midnimada Soomaaliya, xilli ay iska fogaysay aqoonsiga Somaliland

Go’aankan ka soo baxay Hindiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad diblomaasiyadeed ka jirto Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 12:42PM