Xiisad ka dhalatay dilka gudoomiyihii degmada Hodan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xiisad ku aadan dilka loogu geystay Muqdisho saqdii dhexe ee Arbacada gudoomiyihii degmadda Hodan ee gobolka Banaadir, marxuum Cabdixakiim Dhagajuun, ayaa waxaa muuqaneysa in durba ay qaraxdey.

Xasarada ayaa ka dambeysay markii gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Filish, uu kahor gabagabada baaritaanka uu shaaca ka dhigay in marxuumka uu ku dhintay "rasaas ay fureen askar".

Balse, waxaa hadalka Cumar Filish naqdiyey Mahad Maxamed Salaad kaasoo rumeysan in dilka uu ahaa mid abaabulan oo lagu shirqoolay marxuumka, wallow uusan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashiisa.

"Waxaan cambaareynayaa hadalka gafka ah ee ka soo yeeray Gudoomiye Cumar Finish ee ah Gudoomiye Cabdihakiin Dhagajuun is-rasaasayn ayuu ku dhintay. Waxaanan u aragnaa in Gudoomiye Cumar iyo maamulkiisu bilaabeen raadtirasho si loo qariyo raadka dambiileyaasha falkaas geystay," ayuu kusoo qoray boggiisa gaarka ah ee mareegaha Facebook.

Wuxuu ku daray: "Gaari la hubiyay markii uu gudbayay, soo laabashadiisana loo diyaar garoobay, ciidamo xoojin ahna loo diray sida ay ii sheegeen saraakiisha tagay goobta falku ka dhacay sabab loogu sheego is-rasaasayn ayay ahayd waa wax aan la qaadan karin. Gudoomiye Cumar na waxaan ugu baaqaynaa in uu cudurdaar ka bixiyo hadalkaas".

"Waxaan ku baaqaynaa mar labaad in cadaalada la horkeeno saraakiisha amarka bixiyay iyo askartii fulisay falkaas foosha xun ee lagu qaarajiyay Gudoomiye Cabdixakiin," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Maamulka gobolka Banaadir ayaan wali ka jawaabin eedeynta Mahad Salaad kaasoo dhawaqiisa uu yimid markii Cumar Filish uu magacaabay guddi uu ka dhawaajiyey in uu baaritaan dhab ah ku sameyn doono kiiskan.

Xubnaha guddigan uu ku dhawaaqay Cumar Filish, oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo asxaabta marxuumka, ayaa kala ah;

1-Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud “Caana-booro” (Guddoomiyaha Guddiga)

2- Mukhtaar Maxamed Cali (Dhaga-Cade)

3- Muuse Cali Eybakar

4- Saalax Xasan Cumar

5- Yaasiin Cismaan Jimcaale

6- Seynab Maxamuud Xaabsey

7- Mustaf Cali Kheyre

"Guddigaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho farayaa in sida ugu haboon loo maamuuso, Tacsida iyo Aaska Allaha u naxriisto Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun). Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun," ayaa lagu soo xiray qoraalka kasoo baxay xafiiska Filish.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Shuceyb oo ah taliyaha booliska saldhigga degmada Howlwadaag iyo Mooshin oo ah taliyaha booliska saldhigga degmada Waaberi oo ay wehliyaan askar kale loo xiray falkaas.

Degmadan Howlwadaag waa goobta uu falku ka dhacay, halka Waaberi oo deris la ah ay habeenimadii Arbacada ay aggaas is-kala fuliyeen howlgal amni sugitaan ah.

Marxuum Dhagajuun ayaa gelinka hore ee Arbacadii wuxuu kasoo laabtey safar caafimaad oo dibadda uu u aadey markii dabayaaqadii November, 2020 uu ku dhaawacmay qarax ay Al-Shababa kula eegatay magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Darawalkii Farmaajo oo weli nolol iyo geeri lagu la'yahay

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayay Maalmihii u dambeeyay in darawalka madaxweynaha uu u goostay deegaanada AS.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 12:12PM

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM