Xildhibaan ka hadlay sababta Farmaajo aanu u saxiixi karin Xukunnada Dilka ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xilldhibaan Axmed Xaaji Maxamed, oo kamid ah xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Madaxwayne Farmajo inuu saxiixo dembiiliyaasha ay maxkamadaha dalka dilalka ku xukumeen.

Xafiiska Madaxwaynaha ayuu Mudanaha tibaaxay inay yaaliin dhowr xukuno oo dil ah, kuwaasoo ay usoo gudbisay Maxkamadda, islamarkaana qaarkood lagu eedaynayo inay ka tirsan yihiin kooxda gacan saarka la leh Shabakadda Al-Qaacidda ee Al-Shabaab.

Passport-ka wadanka Mareykanka oo uu haysto Madaxwayne Farmaajo ayuu cod dheer ku qeexay Sharci-dejiyaha inay sabab u tahay inuu ka gaabiyo, maadaama qaar kamid ah dowladaha caalamka aanan laga ogolayn in la fuliyo xukuno ah.

Dambiilayaal kala duwan oo ay maxkamadu ku xukuntay dil toogaso ah, kuwaasoo geystay falal ay waxyeelo ugu geysteen Rayidka, Darawalada Bajaajleyda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu daboolka ka qaaday Xilldhibaanka inay ehelkooda sugayaan cadaaladda.

"Madaxwaynaha sharafta leh waxaan ka codsaneynaa inuu dedajiyo saxiixida xukunada dilka toogashada ah oo ay maxkamadu xukuntay. Qisaasta waa nolal, diinta ayaana qabta, ma ahan in Passport aad bariba helayso ku bedalato," ayuu yiri Xilldhibaanka.

Hadalka mudanaha ayaa kusoo beegmayaa xili Isgoyska Digfeer ee magaalada Muqdisho ay u dhimatay Gabar Ardayad ahayd oo 9-sano jirtay, rasaas la sheegay inuu furey Askari ka tirsan Milatariga Soomaaliya, kaasoo aan wali lasoo qaban.

Dadka dilka lagu xukumay ee aan wali lagu fulin waxaa kamid ah Axmed C/llaahi Cabdi [Ceydiid], oo ah Askarigii dilay Wasiirkii howlaha Guud iyo Guriyeynta Xukuumadda Khayre, Marxuum Cabaas Siraaji bishii May 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Laga Mamnuucay inay ka baxaan Muqdisho

Koox xildhibaanno federaal ah oo u safrayay Garoowe ayaa shalay lagu qasbay inay dib ugu soo laabtaan Muqdish.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 08:32AM

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Shir-guddoomiyey Shirka Horumarinta Garsoorka

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda si weyn loogu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka caddaaladda iyo hufnaanta garsoorka.

  • Soomaliya

    01-03-2026

  • 11:45AM