Xildhibaan ka tirsanaa BF Soomaaliya oo geeriyoodey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan ka tirsanaa Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaala madaxda ku meelgaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, sidda ay ku warantay saxaafadda.

Marxuum Maxamed Maxamuud Boonow ayaan la ogeyn sababta keentay geeridiisa. Mas'uuliyiinta Koonfur Galbeedna wali fahfaahin kama bixin. Codsiyo uu Garowe Online u diray si ay uga warbixiyaan kama aysan jawaabin.

Wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa ku warantay in guddoonka Golaha Shacabka uu ka tacsiyeeyay geerida sharci-dejiyaha.

"Guddoonka, Xildhibaanada iyo Shaqaalaha Golaha shacabka ayaa iyagu dhankooda ka tacsiyeeyey, waxayna allah uga baryayaan ehelkii Iyo Qaraabadiisii inuu samir iyo imaan kasiiyo, Isaga allah janadii fardowsa ka waraabiyo," ayaa lagu yiri qoraal ay SONNA ka baahisay geerida marxuumka.

Boonow ayaa waxaa sidoo kale ahaa wasiiru dowlihii wasaaradda amniga gudaha xukuumaddii Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Golaha shacabka ayuu ka tirsanaa tan iyo 2012, waxaa uu soo noqday Wasiir dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee KMG aheyd.

Ka sokow siyaasadda, Allah u naxariitee Eng Maxamed Maxamuud Boonow waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano degaanada geyiga Soomaalida si gaar ah maamul goboleedka Koofur Galbeed oo uu asal ahaan kasoo jeedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM