Xildhibaan ka tirsanaa BF Soomaaliya oo geeriyoodey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan ka tirsanaa Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaala madaxda ku meelgaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, sidda ay ku warantay saxaafadda.

Marxuum Maxamed Maxamuud Boonow ayaan la ogeyn sababta keentay geeridiisa. Mas'uuliyiinta Koonfur Galbeedna wali fahfaahin kama bixin. Codsiyo uu Garowe Online u diray si ay uga warbixiyaan kama aysan jawaabin.

Wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa ku warantay in guddoonka Golaha Shacabka uu ka tacsiyeeyay geerida sharci-dejiyaha.

"Guddoonka, Xildhibaanada iyo Shaqaalaha Golaha shacabka ayaa iyagu dhankooda ka tacsiyeeyey, waxayna allah uga baryayaan ehelkii Iyo Qaraabadiisii inuu samir iyo imaan kasiiyo, Isaga allah janadii fardowsa ka waraabiyo," ayaa lagu yiri qoraal ay SONNA ka baahisay geerida marxuumka.

Boonow ayaa waxaa sidoo kale ahaa wasiiru dowlihii wasaaradda amniga gudaha xukuumaddii Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Golaha shacabka ayuu ka tirsanaa tan iyo 2012, waxaa uu soo noqday Wasiir dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee KMG aheyd.

Ka sokow siyaasadda, Allah u naxariitee Eng Maxamed Maxamuud Boonow waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano degaanada geyiga Soomaalida si gaar ah maamul goboleedka Koofur Galbeed oo uu asal ahaan kasoo jeedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM