Xildhibaan Xaadoole iyo kuwa kale ee furumaha ka maqan oo loo baaqay.

Image
Baraha Bulshada ayaa waxaa qabsaday sawiradda xildhibaano ka maqan deegaanadii laga soo doortay

MUQDISHO (GO) - Xildhibaanada gobolka Hiiraan ayaa tallooyinkii ay sida hoose ugu gudbinayeen xildhibaanada dhiggooda ah hadda lasoo istaagay warbaahinta, iyaga oo waliba markan magac-dhabaya xildhibaanada qaar.

Xildhibaan Maxamed Buraale oo laga soo doortay Hiiraan ayaa si gaar ah ugu baaqay xildhibaan Xaadoole oo laga soo doortay gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo u sheegay in ay dadka dhex tagaan, hormuudna ka noqdaan dagaalada shacabka ay kula jiraan Alshabaab.

Wuxuu xildhibaan Maxamed sheegay in Xildhibaan Xaadoole uusan hub ku yareen, awoodna u leeyahay in uu dagaalka ka qeybgalo.

Xildhibaan Xaadoole ayaa caan ku ahaa ka mid ahaanshaha Kacdoonki Badbaado Qaran ee looga soo horjeeday madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo markaasi ka tirsanaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka.

Xildhibaan Maxamed Buraale ayaa sheegay in Alshabaab ay geeyeen xudduuda Shabeelaha Dhexe, halkaasna uu culees kasoo fuuli karo haddii isla gobolkaasi aanan kacdoonka looga furin.

“Maanta waxaan haysanaa fursad, haddii fursadaasi aanan ka faa’iideysanin, waa naga qasaaraysaa” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanada Hiiraan iyo kuwa Galgaduud iyo Mudug ayaa hor boodaya ciidamada kacdoonka shacabka iyo kuwa xoogga dalka oo iskaashanaya, iyaga oo seexanaya furumaha dagaalka, qorigana ridaya.

Baraha Bulshada ayaa waxaa qabsaday sawiradda xildhibaano ka maqan deegaanadii laga soo doortay, waxayna dadka ugu baaqayaan xildhibaanadaas in ay waajibkooda gutaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM