Xildhibaanada HirShabelle oo la noqday Mooshin ka dhan ah Waare

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JOWHAR, Soomaaliya - Xildhibaanadii dhawaan Mooshinka kalsoonid kala noqashada ka gudbiyay Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhwaaqey inay go'aankooda dib uga laabteen.

Cismaan Maxamed, gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle ayaa ku dhawaaqay in Xildhibaanada ay ka tanaasuleen Mooshinka, iyagoo fiiriyay danta guud ee maamulkaan kusoo jiray labadii sano ee lasoo dhaafay xaalad hubanti la'aan ah iyo khilaafaad siyaasadeed.

Kulan ka dhacay aqalka Madaxtooyadda HirShabeelle ee magaalada Jowhar, kaasi oo goobjoog ahaa Madaxweynaha ayaa lagu dhameeyay Mooshinka, kaasoo walaac badan laga qabey, kuna soo beegmay xilli dowladda Federaalka heshiis la heshay Waare.

In ka badan 54 Xildhibaan ayaa saxiixay Mooshinka markii hore, kuwaasoo Madaxweynaha ku eedeeyay howl-gudasho la'aan, fashil amni iyo inuu fulin waayay balan-qaadkii uu u sameeyay shacabka HirShabeelle xilligii doorashadiisa 11 bilood kahor.

Madaxweynihii ka horeeyay Waare, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa sidaan oo kale khilaaf kadib Mooshin looga keenay xilkii looga qaadey sanadkii tagey dhamaadkiisa, isagoo mudo yar xafiiska jooga.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bishii lasooa dhaafay heshiis la gashay Waare maalmo kadib markii uu kasoo laabtay Shirkii Kismaayo, oo 8-dii September laga soo saarey War-murtiyeed ay hogaamiyayaasha maamullada xiriirka ugu jareen Villa Somalia.

Waare ayaa madaxda Villa Somalia ku qancisay inuu ka baxo go'aankii maamul goboleedyada, isagoo loo sameeyay balan-qaad weyn, oo ku qabsay inuu ka ka tago madaxda kale ee gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, oo wali mowqifkooda ku taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM