Xildhibaanada KG oo ku kala aragti duwan hab-raaca Guddiga doorashada

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Wakiilada ee Koonfur Galbeed ayaa ku kala qaybsamay Hab-raaca Guddiga doorashadda u sameeyay doorashada madaxtinimada maamulkan, sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

GO ayaa ogaaday in Xildhibaanadda qaar ay taageersan yihiin Jadwalka doorashadda aanan waxba laga bedalin, halka kuwa kale ay ku doodayaan in maadaama isbedal uu yimid loo baahan yahay wax ka bedal.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in sharci-dejiyaasha doonaya wax ka bedalka ay ka shidaal qaadanayaa Murashaxiin aad uga walwalsan inay ku haraan wareegyada ugu horeeya doorashadda, maadaama shuruudo adag la keenay.

Shuruudaha ay rabaan in wax ka bedalka lagu sameeyo waxaa kamid ah lacagta is-diiwaan-gelinta, qaabka doorashadda iyo Nuqul kamid ah warqaadaha murashaxnimo, sida ay ku waramayaa illo xog ogaal ah.

Tani ayaa hadii aanan heshiis looga gaari sida ugu dhaqsiyaha badan waxay shaki gelin kartaa in Mudanayaasha ay cod aqlabiyad leh ay ku meel-mariyaan buuxinta 15-ka xubnood ee Guddiga doorashada ka banaan.

Afhayeenka Gollaha Wakiiladda, ahna sii haya xilka Madaxwaynaha Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa wada talashadii ugu dambeeyay ee soo buuxinta boosaskaasi, xili uu wajahaya cadaadis dhinacyo kala duwan ka imaanaya.

Macluumaadka uu GO helayo ayaa intaas ku daraya in siyaasiyiin iyo murashaxiin si gaar ah ula kulmay Maye ay usoo jeediyeen in xubnaha uu soo magacaabayo ay noqdeen kuwa aanan dhinac u jaran-jeerin.

Doorashadda Koonfur Galbeed oo horey loogu balamay 17-ka bishaan November ayaa loo bedalay 28-ka, waxaana indhaha dadka daneeya siyaasadda Soomaaliya ay kusii jeedaan caasimad goboleedka Bay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM