Xildhibaanadii xayiraada lagu soo rogay oo go'aan soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadda uu xayiraada kusoo rogay afhayeenka Aqalka Hoose oo shir jaraa'id ku qabtey Muqdisho ayaa sheegay in ay ka qeybgalayaan fadhiga berri.

Guddoomiye Mursal ayay xuseen "in uu si shaqsi ah u qaadayo" mas'uuliyadda cawaaqibka "warqadda dhiigeena lagu baneysanayo ee loo dhiibay" ilaalada xarunta Golaha Shacabka.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Golaha Shacabka, ayaa shalay sheegay in mudaneyaasha ay mamnuuc ka tahay in ay soo xaadiraan 5-ta kulan ee soo soo aadan ee golaha.

Mursal oo qoraal soo saarey ayaa cuskaday in sharci-dejiyeyaasha ay is-hortaageen kulan uu golaha yeelan lahaa shalay isla markaana ajanduhu ahaa caabuqa Covid-19.

Balse, Xildhibaanadda ayaa ku eedeeyay Mursal in uu wadday ajande qarsoodi ah kaasoo ahaa in uu muddo kororsi laba sano ah u sameeyo madaxweynaha waqtiga ka dhacay.

Isniinta berri ah ayaa mar kale la iclaamiyey fadhi uu yeelanyo golaha. Ciidamadda waxaa la geliyey heegan buuxa. Cabsida in uu gacan ka hadal yimaado waa mid aad u sareysa.

Dhanka kale, Xildhibaanada waxay sheegeen in xarunta golaha lagu daadiyey ciidamo dharcad ah oo badankooda ka tirsanaa Al-Shabaab isla markaana lagu sameeyay dhaqan-celin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM