Xildhibaano cusub oo lagu doortey Muqdisho iyo Garowe

Image
Inta badan mudaneyaasha la doortey ayaa ah kuwa ku cusub saaxadda siyaasadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalooyinka Muqdisho iyo Garowe ayaa maanta martigeliyey doorashadda xubno kamid noqon doona afarta sano ee soo aadan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kuraasta lagu doortey Muqdisho

Maxamed Cali Xagaa ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#268 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Saynab Maxamed Caamir ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#267 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#236 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#269 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Kuraasta lagu doortey Garowe

Maxamed Faarax Nuux ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#192 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Sahra Cabdullaahi Cigaal ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#094 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Farxiya Yuusuf Cumar ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#121 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Daa'uud Cabdikariin Sheekh Cumar ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#014 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Khadro Ahmed Mohamed ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#174 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Xulista mudaneyaasha Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorshuhu yahay in ay soo dhamaato bishan Febraayo si dhexdooda isaga doortaan guddoon kahor u coddeynta madaxweynaha 10aad ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM