Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood
LAASCAANOOD, Soomaaliya — Shan xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Laascaanood ayaa ku dhawaaqay inay iska casileen xilalkoodii, iyagoo sidoo kale sheegay inay ka tanaasuleen fikirka siyaasadeed ee saldhigga u ahaa dhismaha maamulka.
Xildhibaan Makhtal Saciid Maxamuud, oo ku hadlayay magaca xubnaha is-casilay, ayaa sheegay in go’aankoodu yahay mid kama dambeys ah.
Xildhibaanadu waxay kala yihiin Makhtal Saciid Maxamuud, Axmed Cali Maxamed, Saciid Jaamac Muuse, Axmed Caabi Xasan iyo Cabdisalaan Cabdullaahi Amo.
“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magacooda, waxaan ku dhawaaqayaa inaan si buuxda isaga casilnay Baarlamaanka Laascaanood. Go’aankan waa mid kama dambeys ah,” ayuu yiri Makhtal.
Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.
“Ujeeddadii aan maamulka u dhisnay waxay ahayd in bulshada loo sameeyo adeegyo iyo hannaan dowladeed oo wax tar leh, balse wuxuu noqday maamul ka hooseeya heer hay’ad dowladeed,” ayuu yiri.
Makhtal ayaa ku eedeeyay in maamulka uu gacanta u galay hoggaamiyeyaasha Firdhiye iyo Abwaanka, isla markaana bulshada loola dhaqmo sida ay iyagu doonayaan.
Wuxuu sheegay in xildhibaanadii iscasilay ay dhawaan shaacin doonaan jihada siyaasadeed ee cusub ee ay qaadanayaan iyo magaalada ay saldhig ka dhigan doonaan.
Is-casilaaddan ayaa timid kaddib markii Fahiima Yuusuf Quuje, oo hore uga tirsanaan jirtay Baarlamaanka Maamulka Laascaanood, ay iyaduna dhawaan iska casishay xilkeedii, kadibna ay ku laabatay Hargeysa.
Tallaabadan ayaa tirada xildhibaanada ka baxay Baarlamaanka Maamulka Laascaanood ka dhigtay lix.
Dhanka kale, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka Laascaanood ayaa horay Baarlamaanka ugu gudbiyay codsi ku saabsan in laga qaado xasaanadda shan xildhibaan si ay u wajahaan dacwado sharci.
Xeer Ilaaliyaha Guud Cabdullaahi Xirsi Cilmi ayaa codsaday in xasaanadda laga qaado Saciid Maxamed, Cabdisalaan Cabdullaahi Maxamed, Saciid Jaamac Muuse, Axmed Cali Maxamed iyo Axmed Caabi Shire.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in codsiga uu ku saleysan yahay qodobbada 50-aad iyo 51-aad ee Dastuurka Maamulka Laascaanood, iyo qodobbada 184, 218 iyo 221 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliya.
Sida ku xusan warqadda codsiga, qodobbadaasi waxay siinayaan hay’adaha garsoorka awood ay ku dalban karaan qaadista xasaanadda marka ay jiraan eedeymo u baahan baaritaan iyo dacwad oogis.
Maamulka Laascaanood ayaan weli si rasmi ah uga bixin faahfaahin ku saabsan is-casilaadaha cusub.
GAROWE ONLINE