Xildhibaano "laga mamnuucay" kulamada Golaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhamaadey Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa 15 mudane ka mamnuucay fadhiyada Aqalka Hoose gaar ahaan kulan loo balansan yahay Isniinta todobaadkan, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Mudaneyaasha ayaa, sidda ay xoguhu caddeynayaan, waxaa magacyadooda la dhigay albaabka laga galo golaha "si ciidamadda ilaaladda xarunta golaha ay uga hor-is-taagaan in ay galaan markay yimaadaan".

Wali si rasmi ah looma shaacin magacyadaas sharci-dejiyeyaashaas, balse waxaa la tuhunsan yahay in ay u badan yihiin Xildhibaanadda mucaaradka ku ah maamulka waqtiga ka dhamaadey ee Farmaajo.

Talaabadan ayaa kusoo hagaageysa xilli maanta uu fashilmay kulan la isugu yeeray Golaha kaasoo mucaaradka uu sheegay in uu ku yimid qorshe Farmaajo "soo amray Mursal oo ah muddo kordhin laba sano ah".

Amar kale oo "ka yimid Farmaajo"

Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa si adag wuxuu u cambaareeyay talaabadda ama go’aanka uu qaatay Mursal.

Sidda laga soo xigtay hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, guddoomiye Mursal ayaa xayiraadda ugu soo rogay Xildhibaanadda "isaga oo fulinaya amar kaga yimid Farmaajaha hadda kahor duleysaday".

"Maxamad Mursal ayaa amray in 15 xildhibaan loo diido in ay shirarka Baarlamaanka ka soo qeyb galaan. Amarkaas ayaa ka yimid Farmaajo. Hadda ka hor ayuu Farmaajo korontada iyo biyaha ka goostay Mursal, irdahana ka ooday, isagoo u diiday in ay xildhibaannada xafiiskiisa ugu tagaan, kaddibna wuu ka soo qaxay," ayuu ku caddeeyay mowqifkiisa.

Wuxuu intaas ku daray: "Maxamad Mursal wixii lagula kacay ayaa maantana la amray in uu xildhibaannadii shalay dulaysiga ka difaacay kula kaco. Waa Alle mahadii in aysan u suura geli doonin, laakiin Mursal wuxuu tusaale u yahay dadka sida fudud kaligii taliyaha bulshada u looga".

Kulankii Mursal iyo guddiga Xildhibaanada

Sidda uu bartiisa Facebook ku shaaciyey Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, guddoomiye Mursal ayaa guddi Xildhibaano ah oo ugu tagay xafiiska kadib fashilka kulankii maanta wuxuu u sheegay in uu doonayo in uu waqti ugu daray madaxweynaha iyo baarlamaanka muddo dhaafay.

"Gudi Xildhibaano ah oo u tagay Gudoomiye Mursal maanta intii uusan soo gelin hoolka shirarka Golaha Shacabka wuxuu u sheegay: 1. Heshiiskii 17 September in uu fashilmay! 2. Muddo kordhin inuu u samaynayo Barlamaanka iyo Farmaajo!3. Ciidamada xarunta Golaha Shacabka la keenay in uu isagu dalbaday, lana soo badinayo," ayuu ka dhawaajiyey Xildhibaanka.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Waxaa xaqiiqo ah in maanta cid waliba u cadahay meesha loo socdo. Hurdada halaga kaco ayaan idin leeyahay Farmaajo waa balaayo inoo hagoogane!".

Dhanka kale, illaa haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashooyinkan oo kasoo baxay dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya iyo xafiiska guddoomiye Mursal ama guddoonka Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka. Warsidaha Garowe Online wuxuu codsiyo u diray labada dhinacba. Balse, kama soo jawaabin dalabka ku saabsanaa in ay ka jawaabaan eedaha.

Hoos ka akhriso qoraalka Mursal

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM