Xilka qaadistii Dabageed oo gacan ka hadal dhalisay galaafatayna taliye

Image

BELEDWEYNE, HirShabelle – Is-qabqabsiga ka dhashay xilka qaadista Yuusuf Axmed Hagar [Dabageed], gudoomiyihii gobolka Hiiran, ayaa haatan u muuqata in ay isku bedashay gacan ka hadal.

Xiisada oo cirka isku sii shareeraysay mudooyinkii dambe ayaa waxay timid markii madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare uu eryay Dabageed, isaga oo ku bedalay Cali Maxamed Caraale.

Hasayeeshee, Dabageed ayaa ganafka ku dhuftay arrintaasi, isaga oo wacad ku maray in uusan marnaba xilka wareejin doonin, wuxuuna shaaciyey in ay si ku meel gaar ah uga go'een maamulka Jowhar.

Dhowr illo wareedyo oo Beledweyne ku sugan ayaa ku waramaya in duleedka caasimad goboleedka maanta Talaado ah uu ka qarxay iska hor-imaad u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan dhinacyada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in isku dhaca uu geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac isla markaana dadka geeriyooday uu ku jiro Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan, Maxamed Macow Xalane.

Marxuum Xalane ayaa lagu waramayaa in uu horkacayey ciidanka taageersan Caraale kuwaasi oo la sheegay in ay ku duuleen Kontarool ku yaala degaanka Kala-Beyr oo duleedka Beledweyne dhaca.

Xaaladda ayaa lasoo warinayaa in waqti xaadirkan ay tahay mid kacsan isla markaana dadka halkaasi ka akdhow ay bilaabeen barakac iyaga oo raadsanaya goobo ay gabaad ka dhigtaan.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, xilka qaadista Dabageed ayaa waxaa soo dadejisay markii uu ka goos-adeegay in uu Waare ku wareejiyo lacagta laga uruuriyo ganacsatada Beledweyne ee Canshuurta ah.

Xogta ayaa intaasi raacineysa in sidoo kale uu jiro xifaaltan shaqsi ah oo u dhaxeeya Waare iyo Dabageed kaasi oo taagnaa sanadihii lasoo dhaafay iyadda oo ay fashilmeen isku dayo dhowr ah oo la isugu soo dhaweyn lahaa.

Sikastaba ha ahaatee, dagaalkan ayaa imaanaya iyadda oo Xildhibaano heer federaal ah iyo kuwa maamul goboleedka HirShabelle ka tirsan ay xal u raadinayeen xiisada ka dhalatay shaqo ka eryida Dabageed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM