Xilliga ay Islow iyo Oomaar hortagayaan BF oo la muddeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa ku dhawaaqay waqtiga wasiiradda Amniga iyo Duulista ay hortagayaan Aqalka.

Maxamed Abuubar Islow iyo Maxamed Salaad Oomaar ayaa waxaa lagu waddaa in su'aallo laga waydiiyo xaaladihii ugu dambeeyay ee waddanka.

Islow, wasiirka Amniga Gudaha, ayaa la filayaa in wax laga waydiiyo nabad-gelyadda, halka Oomaar uu wajahayo su’aallo la xiriira xayiraadda ay dowladda saartay duulimaadka Kismaayo, caasimada Jubbaland.

Mursal oo Arbacadii, 4-ta December 2019, ka hadlayey fadhi ay yeesheen mudaneyaasha ayaa sidoo kale fariin u diray Xildhibaanada.

Gudoomiyaha Aqalka Hoose ayaa tilmaamay in labadda wasiir ay golaha hor-tegi doonan Axadda, 8-da December, todobaadka soo aadan.

"Sidoo kale, Xildhibaanadda waxaanu ka dooneynaa in ay maalintaas yimaadaan," ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiye Mursal.

Xildhibaano tiradoodu gaareyso tobban ayaa saxiixay mooshin gole soo joojin ah oo labadda wasiir laga gudbiyey, sidda ku cad qoraalka soo jeedinta oo nuqul kamid ah uu helay mareega Garowe Online.

Go'doominta ay xukuumadda kusoo rogtay Kismaayo ayaa timid xili xiriirka u dhaxeeya dowladda iyo Jubaland uusan hagaagsaneyn wixii ka dambeeyay doorashadii uu ku guuleystay madaxweyne Axmed Madoobe.

Calaamad su’aal ayaa dulsaaran in ay wasiiradda hortagi doonan Golaha Shacabka, maadaama tirro dhowr jeer oo horey loogu yeeray aysan kasoo muuqan, iyaddoo aan sharaxaad laga bixin sababta keentay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM