Xilligga la dhaarinaayo Xildhibaanada oo war cusub laga soo saarey

Image
Guddiga doorashooyinka heer fedaraal ayaa ogeysiis rasmi ah u diray sharci-dejiyeyaasha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ee FEIT ayaa goordhaw shaaciyay in dhaarinta Xildhibaanadda labada Aqal ee qaatay shahaadada xildhibaanimo iney qabsoomi doonto 14-ka bishaan oo ku beegan Maalinta Khamiista ee inagu soo socota.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal ayaa lagu sheegay in la ogeeysiinayo dhamaan xildhibaannada shahaadada qaatay in Maalinta Khamiista ah ee soo socota inay yimaadaan Teendhada Afisiyooni si loo dhaariyo.



Guddiga ayaa ugu baaqay Xildhibaannada kale ee labada Aqal ee aan weli qaadan shahaadada iyo kaararka aqoonsiga xildhibaanimo inay qaataan ka hor 14-ka bisha Abriil oo ay inaga xigto maalinta berito oo kaliya, si ay uga qeyb galaan munaasabadda dhaarinta.



Shaacinta munaasabadda lagu dhaarinaayo xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaaka Soomaaliya kuwooda shahaadada qaatay ayaa kusoo beegmeysa iyadoo maalmihii la soo dhaafay guddiga doorashooyinka Heer Federaal wadeen Shahaado siinta Xildhibaannada.



Waaxaa xusid mudan in weli aysan shahaadada qaadan Xildhibaanadda laga soo doortay Koonfur Galbeed, iyagoo ka gadoodsan saddex kursi oo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ay hakiyeen doorashadooda, Guddiga ayaana sheegay in lagu celin doono waxeyna ku tilmaameen in ay kuraasta kusoo qaateen qaab baalmarsan shuruucda loogu talo galay in lagusoo doorto xildhibaanada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku adkaysanaya in ay xildhibaanada kale qaadan doonin shahaadada iyo kaarka aqoonsiga xildhibaanimo inta laga soo fasaxayo kuraasta laga hakiyey maamulkiisa.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay socday waan waan laga dhexwaday maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal taas oo aan wax natiijo dhalin.

Hadalkan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli maalin ka hore uu hogaamiyaha maamulka Jubaland sheegay in kuraasta taala Garbahaarey aysan doorashada ka hari doonin, iyadoo wali aan la xalinin culayska ka taagnan qabashada kuraastaas, waxaana la saadaalinayaa in dhib u adhac weyn ay sii horseedi karto waxaana lagu qasbanaan doonaa in markale dib loo furo shahaado siinta xildhibaanada madaama tiro badan oo Golaha shacabka ah aysan wali qaadanin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM