Xisbiga madaxda maamulada maka qeybgalayaan doorashada 2020?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda dowlad Goboleedyadda, ayaa shirkii ugu dambeeyay oo ay ku yeesheen Garowe, bishii hore waxay ku sameysteen xisbi ay ugu magac-dareen Xisbiga Horusocod Qaran, kaasoo uu Gudoomiye ka noqday Cabdiwali Gaas, madaxwaynaha Puntland, ee waqtiga uu ka dhamaanayo.

Inkastoo wali aanan loo dhameystirin shuruudihii xisbinimo oo ay ugu horeyso inuu diiwaan-geliyo Guddiga Doorashooyinka qaranka iyo inuu soo buuxiyo qodobada laga doonayo si ay ugu biiraan axsaabta dalka ka jirta oo haatan si KMG ah loo meel-marinayo, hadana maamulada ayaa qorshahooda soo bandhigay.

Afhayeenka Madasha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda, Cabdullaahi Sheekh Xasan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa daboolka ka qaaday inay rabaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen buuxinta dhamaan shuruudaha looga baahan yahay xisbiga siyaasadeed ee madaxda dowlad goboleedyda.

Xasan ayaa tilmaamay inay qorsheynayaan sidii ay uga qayb-gali lahaayeen doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sanadka 2020-ka, taasoo lagu wado inay noqoto hal qof iyo cod ah, laakiin ay xisbiyada matalaad ku yeelanayaan Baarlamaanka.

“Xisbigeena, waxuu doonayaa inuu ka qeybgalo doorashada 2020-ka ee dalka ka dhaceysa. Shuruudaha naga horyaala wuxuu Golluhu uyahay diyaar inuu buuxiyo,” ayuu yiri Afhayeenka Maamul Goboleedyadda, ahna Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili dalka laga dareemayo olale doorasho oo waqtigooda kasoo horumar oo ku saabsan doorashada 2020-ka, oo ay wadaan mucaaradka, xukuumada haatan jirta iyo waliba dowlad goboleedyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM