Xisbiga shaqaalaha oo 9 sano kadib hantay taladda Australia

Image
Guushaan ayaa ka dhigan in Australia ay dooratay dawladii ugu horeysay ee Labour-ka.

CANBERRA, Australia – Doorashadii guud ee ka dhacday dalka Australia ayaa waxaa ku guuleystay xisbiga shaqaalaha oo muddo ka maqnaa talada dalkaas, iyadoo xisbigan uu yahay mid ay si weyn ugu xiranyhin dadka soogalootiga ah eek u nool dalkaas.

Guushaan ayaa ka dhigan in Australia ay dooratay dawladii ugu horeysay ee Labour-ka muddo ku dhow toban sano ah iyada oo Anthony Albanese oo loo doortay ra'iisul wasaare, taasoo meesha ka saartay isbahaysigii Scott Morrison.

Mr Albanese ayaa u sheegay taageerayaashiisa oo aad u faraxsan in dadka Australiyaanka ah ay "u codeeyeen isbedel". Si kastaba ha ahaatee weli ma cadda inuu heli karo aqlabiyadda Baarlamaanka.

Hogaamiyaha bidixda dhexe ayaa wacad ku maray inuu dadka isu keeni doono, maalgashi ku samayn doono adeegyada bulshada iyo "in la soo afjari doono dagaaladii isbadalka cimilada".

Falanqeeye-yaasha ayaa sheegaya in doorashadaan ay yeelan karto saameyn weyn haddii xisbiga Labour-ku uu ku guuldareysto inuu helo 76 kursi oo aqalka hoose ah si uu isagu u maamulo. Gelinkii dambe ee sabtidii waxa ay heshay 72 kursi halka Isbaheysiga 55, sida lagu soo xigtay guddiga codaynta.

Erayadii ugu horreeyay ee Albanese uu ku dhawaaqay markii uu soo fuulay masraxa si uu u sheegto guushii Sabtidii waxaa ka mid ahaa ballan-qaadka ah in codka dadka asaliga ah lagu dhejiyo baarlamaanka.

"Waxaan ku bilaabayaa inaan u mahad-celiyo mulkiilayaasha dhaqanka ee dhulka aan ku kulano, waxaan ixtiraamayaa odayaashooda hore, kuwa hadda jooga iyo kuwa soo baxayaba. Anigoo ku hadlaya magaca Xisbiga Shaqaalaha Australia, waxaan ballan-qaadayaa inaan si buuxda u fulinayo Bayaanka Uluru ee Qalbiga ka soo baxay." ayuu yiri.

Kooxaha asaliga ah ee Australia oo dhan waxay ku baaqayaan in dastuurka la beddelo si si rasmi ah loogala tashado sharciga iyo siyaasadaha saameeya bulshadooda. Taasi waxay u baahan tahay afti qaran, oo u baahan taageero siyaasadeed ka hor inta aan su'aal haa-maya la weydiin dadka Australiyaanka ah.

Dowladda Albanese ee Labour-ka ayaa siiyay taageeradaas. Markii ugu dambeysay ee Australiyaanka ay u codeeyaan aftida xuquuqda Asaliga waxay ahayd 1967, markaasoo 90% dalka ay taageereen tallaabo dadka asaliga ah loogu soo daray tirakoobka.

Maxaa horyaalla dowladda cusub

Mid ka mid ah hawlaha ugu horreeya ee Albanese ayaa noqon doona inuu u ambabaxo Tokyo si uu ula kulmo dhiggiisa Maraykanka, Japan iyo Hindiya shir madaxeedka Wada-xaajoodka Amniga ee Quadrilateral (Quad).

Waxaa garabkiisa joogi doona Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Australia Penny Wong, oo ah siyaasi rug-cadaa ah oo Labour-ka ah oo asal ahaan ka soo jeeda Aasiya, muddo dheerna cod la ixtiraamo ku dhex lahaa Senatka.

Xukuumadda cusub ee Labour-ku waxay ballan-qaadaysaa inay xidhiidh adag la samayn doonto Aasiya. Albanese wuxuu sheegay in mid ka mid ah dekedihii ugu horreeyay ee uu ka soo waco ka dib Japan ay noqon doonto Indonesia, taasoo uu sheegay inay "kori doonto si ay u noqoto dhaqaale wax ku ool ah adduunka."

Lacagtu ma iibsan karto codadka

Mid ka mid ah kuwa sida weyn ugu guul darreystay doorashadan ayaa ahaa Clive Palmer, oo ah maqaamiyaha macdanta oo la sheegay in ku dhawaad 100 milyan oo doolar uu ku bixiyay xayeysiis uu u sameeyay xisbigiisa United Australia si uusan saameyn ugu yeelan.

Ninka Palmer waxa uu ku tilmaamay "Raiisel wasaaraha soo socda," Craig Kelly, oo ka soo noqday xisbiga Liberal Party oo lagu canaantay faafinta macluumaadka khaldan ee 'Covid-19' iyo aragtiyaha shirqoolka, ayaa lumiyay kursigiisa ka dib markii uu helay kaliya 8% codadka aasaasiga ah.

Palmer, oo loogu magac daray "Trump Australia," wuxuu u ololeeyay arrinta xorriyadda iyo ka-hortagga waajibaadka tallaalka Covid-19 iyo xiritaanka.

Tani maaha markii ugu horeysay ee Palmer uu isku dayo inuu ku guuleysto doorashada lacag badan. Sannadkii 2019-kii, wuxuu malaayiin doollar ku bixiyay ololihii doorashada federaalka, balse wuxuu ku guul-darreystay inuu hal kursi ku fadhiisto.

Australia ayaa muddo dheer loo yaqaan "dalka nasiibka leh," qayb ahaan waxaa sabab u ah hodantinimada dhuxusha iyo gaasta, iyo sidoo kale macdanta sida birta, kuwaas oo horseeday jiilal koboc dhaqaale.

Laakiin hadda waxa ay dul fadhidaa xuduudka cimilo-xumada, dabkii, daadadka iyo abaarihii awalba dalka natiijadeeda ku dhuftay ayaa la filayaa in ay noqdaan kuwo aad u daran marka uu dhulku kululaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Golaha Xukuummadda ee SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa isbedelkan sameeyay.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 07:55AM

Xasan Sheekh oo shaaciyay in Soomaaliya ay dhowaan lasoo baxeyso Gaas

Madaxweynaha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 05:26AM