XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Waxaa magaaladda Beledweyne ka socda diyaar-garowga soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu booqdo maalmaha oo aadan, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Villa Somalia.

Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xili Beledweyne ka socdaan shirar lagu dhameynayo xiisada ka dhalatay dilkii lix askari oo katirsanaa Ciidanka dowladda dhawaan loogu geystay degaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Askarta la dilay ayaa kasoo jeeday beesha Xawaadle, waxaana la sheegay in aano qabiil u dileen malleeshiyaad kasoo jeeda beesha Abgaal, waxaana lagu guuleystay in la aaso askarta meydadkooda, islamarkaana la furo wadahadal lagu dhameynayo colaada labada beel.

Taliyaa NISA iyo Xildhibaanno gobolka Hiiraan kasoo jeeda ayaa ku jira arinta, oo isku dayaya inay dhameeyaan dagaal beeleedka xadka Hiiraan iyo Shabeelle Dhexe ka socda, kaasoo geystay khasaarooyin badan oo dhimasho, dhaawac iyo barakac isagu jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu Beledweyne kula kulmo Odayaasha labada dhinac, iyo hogaamiyaha Hiiraan State C/llaahi Geneey oo heshiis la galay dowladda Federaalka, isagoo ogolaadey in amniga Beledweyne lagu wareejoyo Ciidanka DFS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM