XOG: Maxay Tahay Sababta Loo Xirey Taliyahii Hore ee Hogaanka Caafimaadka NISA ?

Image

MUQDISHO ( GO) - Kaidb markii maalintii shaley Sept 22,2018 labo qarax oo la damacsanaa in lagu khaarijiyo Prof. Yaxye Shiikh Caamir iyo Dr. Xasan Axmad Maxamed Gacal ka dhaceen isku mar isgoyska Dabka iyo Dhabarka dambe ee Hotel Makka Al-Mukarama Hotel ayaa waxaa habeenimadii xalay ciidamada NISA xabsiga u taxaabeen Dr. Gacal oo horey u ahaa hogaanka caafimaadka hay'adaan. Halkaan ka akjri qaraxa lala beegsadey Prof.Yaxye iyo sida uu uga hadlay.

Dr. Gacal " Taliyahii hore ee hogaanka caafimaadka NISA" oo gurigiisa ku jirey markii gaarigiisu qarxey ayaa sida wararka warsidaha GO heley sheegayaan dhowaan waxaa uu kasoo baxay xabsi ay hay'adda NISA ku leedahay magaalada Muqdisho.

Taliyahii hore ee hogaanka caafimaadka NISA Xasan Axmad Maxamad Gacal oo xarigiisa uu amrey Taliye Aden Kulane July 22, 2018 ayaa isaga oo muddo 2 bilood ah Xarunta Baarista NISA lagu hayey xabsiga laga sii daayey asbuuc ka hor isagoo wax eedeyn ah loo soo jeedin.

"Gacal tan iyo intii xabsiga laga sii daayey waxaa uu eedeymo u soo jeedinayey hay'adda NISA iyo sida loola dhaqmo dadka ku xiran xaruntaas halka kuwa u xiran iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab muddo gaaban kaga baxaan halka lagu hayo," sidaas waxaa GO u sheegey sarkaal ka tirsan hay'adda oo diidey in magciisa xusno kaasoo sheegey in sababta mar kale loo xirey Gacal aan la xaqiijin karin.

Xasan Gacal ayaa sida xogtaan sheegeyso laga ruqseeyey hay'adda NISA isagoo lagu badalay Gabar uu adeer u yahay Zakariye Ismaaciil Xirsi taasoo odeygeeda ay shirkad yihiin agaasimaha  cusub ee hay'ada "Calool Kuus'

Hay'ada Sirdoonka Soomaaliya weli kama hadlin xariga marka labaad ay u gaystey Taliyihii hore ee hogaanka caafimaadka NISA oo isagu ka badbaadey maalntii shaley qarax lala damacsanaa in lagu khaarijiyo

Dhinaca kale Dowlada Soomaaliya gaar ahaan hay'adaha amniga si buuxda weli ugama hadlin dhac-dadii maalintii shaley lagu khaarajin lahaa Prof. Yaxye iyo Gacal. Prof. Yaxye ayaa qaraxii shaley waxaa ku dhintey walaalkiis isagoo goor dambe saxaafada u sheegey in inuu ka badbaadey isku day dil oo lala damacsanaa in lagu khaarijiyo.

Yaxye ayaa sheegey in magaalada Muqdisho ku sugan yihiin Todobo kooxood oo khaarjiya dadlka balse waxaa uu ka gaabsadey inuu tilmaamo magacyadooda iyo cida ay ka amarqaataan.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ku soo badanayey qaraxyo iyo dilal lagu  bartilmaaedsanayo dadgaar ah kuwasoo qaarkood u shaqeyn jireen hay'ada NISA halka kuwa kale mucaarad ku yihiin siyaasada madaxda fadhigoodu yahay Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM