Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Image

Magaalada Laascaano oo ay ka socdaan diyaar-garow-ga shir la damacsan yahay in lagu dhiso  maamulka Khaatumo ayaa wararka ka imaanaya shegayaan in Villa Somalia kala shaqeyneyso hogaamiyaha maamulkaas ee Firdhiye inuu noqdo madaxweynaha maamul goboleedkaas.

Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo ka soo jeedaa gobolka Sanaag ayaa Villa Soomaaliya dooneysaa inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka Cabdulqaadir Axmad Cali Firdhiye.

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban dadweyne ka kala yimid gobollada Sanaag iyo Haylaan, kuwaas oo aan gabi ahaanba wadan oggolaanshaha isimada iyo cuqaasha labadaas gobol.

Sidoo kale, shirweynaha waxaa ka maqan Garaadka guud ee gobollada Sool iyo Cayn, Garaad Jaamac Garaad Cali, iyo siyaasiyiin kale oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, Axmed Karaash iyo siyaasi Cabdirizaq Khaliif kuwaas oo qaarkood damacsanayeen iney u tartamaan xilka madaxweynaha maamulkaas.

Wararka la helayo ayaa muujinaya in dhammaan ergooyinka shirweynaha ay Villa Somalia u sahashay iney soo xushaan Firdhiye iyo Cabdirashid Jibriil, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, taasoo adkeyn doonta fursad lagula tartamo.

Warbaahinta Garowe Online ayaa sidoo kale ogaatay in Danjire Jamaal Xasan, oo dhawaan gaaray Laascaanood, uusan galeyn tartanka madaxtininada maamulkaas kadib markii aan la siin fursad uu ku soo xulo ergooyinka. Jamaal oo kasoo jeeda gobolka Haylaan ayaa Laascaanood u tagay aragti ah inuu u tartamo xilka madaxweynaha maamulkaan balse sida Garowe Online ogaadey siyaasiyiinta iyo inta badan shacabka reer Sool iyo Cayn ayaan ogoleyn in lagula tartamo xilka Madaxweynaha maamulkaas.

Xogaha la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh, ay u aragto dhismaha maamulkaas iyo madaxda ka soo baxaysa mid la xiriira qorshaha doorashooyinka lagu muransan yahay ee Soomaaliya iyadoo lacag badan ku bixineysa horgalintiisa. 

Puntland ayaa dhawaan sheegtay in aysan diidaneyn maamul ay sameystaan shacabka gobollada Sool iyo Cayn, balse ay ka soo horjeedo habka loo marayo iyo faragelinta dowladda federaalka ee dhismaha maamulada, taasoo lagu xadgudbayo dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM