XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Image

Muqdisho, 22 Luulyo 2025 – Warar soo baxay shalay ayaa muujinaya in La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin, uu iscasilaaddiisa u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheekh Maxamuud, hase yeeshee la sheegay in aan la aqbalin.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Xuseen Macallin uu muddo doonayay inuu xilka iska casilo, iyadoo aysan si rasmi ah u caddayn sababta dhabta ah ee ka dambeysa iscasilaadda, balse ay jiraan dareenno muujinaya khilaaf ama cadaadis la xiriira hab-maamulka madaxtooyada.

Dhanka kale, haweeney ku dhaw madaxweynaha – oo xiriirka kala dhexeeya lagu sheegay mid qabiil ku dhisan – ayaa si maalinle ah u fulinaysay hawlo rasmi ah oo laga filan lahaa la-taliyayaasha madaxweynaha, iyadoo la sheegay in ay heysato warqad rasmi ah oo ka timid xafiiska madaxweynaha.

Sidoo kale, shaqsi kale oo muddo dheer xiriir qoys la lahaa Madaxweynaha ayaa lagu war helayaa inuu si toos ah uga shaqeynayay arrimaha dibadda iyo talo-bixinta Madaxweynaha, taasoo su’aalo laga keenay oo muujineysa is dhexgal iyo kala sarreynta la’aan ka jirta gudaha Madaxtooyada.

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka dhamaan xafiisyada dowladda, isagoo marar badan si toos ah ula shaqeeya shaqaalaha hoose ee hay’adaha federaalka, iyada oo laga tagayo habraacyadii rasmiga ahaa ee dowladda.

Siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal arrimaha dowladda ayaa ka digay in nidaamkan faragelinta xafiiska Madaxweynaha uu carqaladeeyo shaqada hay’adaha dowladda, ayna wiiqi karto daahfurnaanta iyo hufnaanta hoggaaminta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM