​Xoghaye Yaxye oo diiday Warqadda shaqada looga joojiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Xogahayihii KMG ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, Yaxye Cali Ibraahim ayaa diiday warqad kasoo baxday wasiir Cabdi Faarax Saciid Juxa taasoo sheegaysay shaqo joojin ka dhan ah xoghayaha Joogtada ah.

Wararka uu helayo Garowe Online, ayaa sheegaya in Yaxye Cali Ibraahim uu ku gacan sayray warqadaas isagoo tilmaamay inuusan u hogaansami doonin islamarkaana aysan waafaqsanayn sharciga.

Xoghayaha Amarka diiday ayaa lagu eedaynayo inuu ku takrifal awoodeed sameeyay, islamarkaana uu curyaamin ku wado shaqada wasaaradda.

Sida lagu cadeeyay warqadda kasoo baxday Xafiiska Juxa, waxaa mas'uulkan cabasho ka keenay shaqaalaha wasaaradda iyadoo dhowr jeer oo hore digniin loo jeediyay.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in magacaabista iyo xil ka qaadista Xoghaye Joogto ay u baahan tahay in la marsiiyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadibna laga ansixiyo Golaha Wasiirada, laguna soo saaro digreeto Madaxweyne.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha ayaa difaacay Xoghayihii joogtada Yaxye Cali Ibraahim, isagoo xusay in eedeyntii ku qorneyd warqadii shaqo joojinta ay aheyd mid aan waafaqsaneyn xaqiiqada, sidaas darteedna loo baahnaa inay noqoto canaan qoran iyo mid Af ah.

Dhinaca kale Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Sheekh Maxamed Nuur ayaa isna ka soo horjeestay xil ka qaadista uu sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr Juxa, isagoo ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka.

Ra'isal wasaraha Somalia ayaa wararku sheegayaan in uu isna ka caroodey xil ka qaadista lagu sameeyey Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada.

Maaha markii ugu horaysay uu mas'uul katirsan wasaaradaha dowladda Federaalka Somalia diido amar kasoo baxay wasiirka, waxaana taas loo aanaynayaa Shakhsiyaadka qaybtood oo muddo dheer joogay xafiiska islamarkaana isu haysta inaysan jirin sharci xilka ka qaadi kara.

Lama oga tallaabada xigta ee wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xafiiska Ra'isal wasaaruhuba samayn doonaan, balse arrintan ayaa u muuqata mid cakiran, iyadoo warar hoose sheegayaan inay socoto waan waan ku aadan in la dajiyo go'aanada labada dhinac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM