Xoghayihii guddiga doorashooyinka heer federaal oo la eryay

Image
Xilka qaadistan ayaa kusoo beegmeysa xilli xoghaya uu xaley beeniyey warqad kasoo baxday Guddiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warqad kasoo baxday gudoomiyaha gudiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT, Muuse Geelle Yussuf ayaa xilka looga qaaday xoghayihii guddiga, Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadam waxaana warqadda lagu xusay in xoghayaha carqalad uu ku waday hanaanka geedi socodka doorashada golaha shacabka isla markaana illaa seddex jeer loo diray digniino.

Xilka qaadistan ayaa kusoo beegmeysa xilli xoghaya uu xaley beeniyey warqad kasoo baxday Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, taas oo looga reebay kursiga sumadiisu tahay HOP086 kaas oo uu soo qaatay taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xoghaya xilka laga qaaday ayaa xaley sheegay in ay been tahay warqadda looga reebay Fahad Yaasiin xildhibaanada ka imaanaye maamulka Hirshabeele.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa looga dhagay illaa saddex kursi oo ay soo gudbiyeen waxaana ka mid ahaa kursiga HOP103 oo laga boobay gudoomihii hore ee golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, HOP204 oo laga hor istaagay wasiirka gaashaan dhigga ee Xukuumada Federaalka, Cabdiqaadir Maxamed Jaamac iyo kursiga uu muranka da’da malxiiska hareeyey ee HOP154 oo ay kusoo laabatay xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdalla.

Muuqaal laga duubay xoghaya oo baraha bulshada si weyn loogu faafiyay ayaa waxuu yiri: "Annagoo ah Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal (FEIT), waxaan u cadeyneynaa xafiisyada aan kor kusoo sheegnay in aysan jirin liis rasmi ah oo xildhibaanada la doortay ah oo Guddiga kasoo baxay, Guddigana uu wali ku hawlan yahay aruurinta xogta dhammaan xildhibaanada la doortay ee labada aqal, waxaan cadeyneynaa in liiskaas uusan Guddiga kasoo bixin.”
 
Waraaqda uu soo saaray Gudoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashada, Mudane Muuse Geelle ee ku saabsan xilka qaadista xoghaya ayaa la garan karin sida ay ku dhaqan gali doonno, waxaana saacadaha nagu soo aadan la filayaa jawaabta xoghaya.

Dadka qalanqeeya siyaasadda ayaa aaminsan in haddii sidaas looga takhaluso xoghaya uu culays weyn soo foodsaari doono xubinimada Fahad Yaasiin oo aad loo ogyahay halka ay kala joogaan asaga iyo Raysal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM