Xubin ku biiraysa guddiga dib u eegista Dastuurka oo la ansixiyay

Image
Sanatar Cabdirisaaq Maxamed Cismaan ayaa kamid noqonaya Xubnaha Aqalka Sare ee Guddiga wadajirka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 9-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Kulanka maanta ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa ansixinta xubin ka mid noqonaysa guddiga dib u eegista iyo la-socodka hirgelinta Dastuurka iyo sii wadista ka doodista wax ka beddelka xeer-hoosaadka Golaha.

Ugu horrayn, waxaa coddeyn wadar oggol loogu codeeyay Sanatar Cabdirisaaq Maxamed Cismaan in uu ka mid noqdo Xubnaha Aqalka Sare BJFS ee Guddiga wadajirka ah ee La socodka, Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Baarlamaanka JFS (OC), kaddib markii xubintii hore uu iska casishay xilkaas.

Intaas kaddib Sanatarrad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa guda galay doodda wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare oo ay toosin, siiqayn, wax ku darid iyo sixitaan ku sameeyeen qodobadii uu maanta Guddiga Xeer Hoosaadka Aqalka Sare soo bandhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM