Xubin ku biiraysa guddiga dib u eegista Dastuurka oo la ansixiyay

Image
Sanatar Cabdirisaaq Maxamed Cismaan ayaa kamid noqonaya Xubnaha Aqalka Sare ee Guddiga wadajirka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 9-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Kulanka maanta ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa ansixinta xubin ka mid noqonaysa guddiga dib u eegista iyo la-socodka hirgelinta Dastuurka iyo sii wadista ka doodista wax ka beddelka xeer-hoosaadka Golaha.

Ugu horrayn, waxaa coddeyn wadar oggol loogu codeeyay Sanatar Cabdirisaaq Maxamed Cismaan in uu ka mid noqdo Xubnaha Aqalka Sare BJFS ee Guddiga wadajirka ah ee La socodka, Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Baarlamaanka JFS (OC), kaddib markii xubintii hore uu iska casishay xilkaas.

Intaas kaddib Sanatarrad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa guda galay doodda wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare oo ay toosin, siiqayn, wax ku darid iyo sixitaan ku sameeyeen qodobadii uu maanta Guddiga Xeer Hoosaadka Aqalka Sare soo bandhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM