Xubno ka tirsan sirdoonka Al-Shabaab oo "isa-soo-dhiibay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba dagaalame oo ka tirsan qeybta sirdoonka Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidamadda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay warisay warbaahinta dowladda.

Idaacadda ku hadasha afka milatariga ayaa tabisay in xubnahaas ay isku gacan-geliyeen Guutadda 14 October ee ku sugan magaaladda Marka.

Sidda ku xusan warbixinta lasii daayey shalay, shaqsiyaadkaas ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Isaaq Cumar Ibraahim iyo Qaasim Cabdullaahi Cali.

Taliyaha guutadda 14 October, Gaashaanle Cabdulqaadir Maxamed Muunye, ayaa la sheegay in dagaalameyaashan uu uga hortagay degaan ku dhow Marka isla markaana uu u soo galbiyey xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Marka laga soo tago baahinta macluumaadka iyo magacyadooda, Idaacadda ma aysans oo bandhigin sawiradda xubnaha ay sheegtay in la qabtey.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacidda ayaan wali dhankooda waxa aysan ka hadlin sheegashada ciidamadda.

Gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu kamid yahay meelaha ay aadka ugu xoogan yihiin Al-Shabaab, wallow sanadihii ugu dambeeyay ay hoos u dhacdey joogitaankooda sabab la xiriira duqeymaha cirka ee Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM