Somalia: Xubno katirsan Al shabaab oo isku dhiibay Koonfur Galbeed

Image

QANSAXDHERE, Somalia - Labo xubnood oo katirsan Al shabaab ayaa isku dhiibay Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia, ee ku sugna degmada Qansaxdheere, ee gobolka Baay. 

Gudoomiyaha Degmada, oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, Aadan Cabdi Qooqaani, ayaa xaqiijiyay in Labo Dagaalyahan oo hubkoooda watay ay isasoo dhiibeen, kadib markii ay xiriiro lasoo sameeyeen Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay in labada dagaalame ay iska soo dhiibeen meel 20KM u jirta degmada, kadibna loo soo gudbiyay Qansaxdheere, isagoo intaasi ku daray inay u wareejin doonaan xarunta dhexe ee maamulka Koonfur Galbeed ee ku taalla magaalada Baydhabo.

"Waxaan kuu xaqiijinayaa in labo Al shabaab katirsan ay isku soo dhiibeen maanta Ciidamada Koonfur Galbeed ee ku sugan duleedka Qansaxdheere, waxaana hadda lagu hayaa saldhiga Booliska, oo Su'aallo lagu waydiinayo," ayuu yiri Aadan Cabdi Qooqaani.

Gudoomiyaha Qansaxdheere ayaa rajo ka muujiyay in kuwa kale oo ku jira Al Shabaab ay dhawaan isku soo dhiibi doonaan maamulkiisa, kadib markii ay xiriiro lasoo sameeyay, una sheegeen inay doonaayaan in ay soo goostaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM