Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen 7-dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, tiro kalana ay dhaawaceen, kadib howlgalo ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay milateriga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaano ku xeeran magaalooyinka Awdheegle iyo Qoryooley.

“Milateriga Soomaaliya ayaa gobolka ka sameeyay howlgallo lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab. Ciidamadu waxa ay ku guulaysteen in ay ka takhalusaan 7 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab oo iska caabiyay in ay isa soo dhiibaan oo ay hubkooda dhigaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli shan maalmood ka hor ay Ciidamadu sheegeen inay dileen 28 ka tirsan Al-Shabaab, tiro kalena ay ku dhaawaceen howlgalo ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM