​Xubno ku eedaysan inay dadka Tahriibiyaan oo Muqdishu lagasoo dejiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu ee Caasimadda Somalia, waxaaa maanta la keenay saddex nin oo ku eedaysan inay Somalida ka tahriibin jireen waddanka Koonfurta Sudan.

Shaqsiyaadkaan ayaa la sheegay in dhawaan laga soo qabtay magaalada Jubba ee Caasimadda Koofurta Sudan, iyagoo ku howlanaa falal Tahriibin ah, waxaana qabashooda iska kaashaday Ciidamada Booliska Adduunka ee Interpol iyo ciidanka dalkaas.

Seddexda nin ee laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha Muqdishu ayaa lagu kala magacabaa Caydaruus Cabdullaahi Naxar, Cabdiraxmaan Maxamuud Socdaal iyo Liibaan Cabdullaahi Xuseen.

Xubnaha oo dhammaantood kasoo jeeda waddanka Somalia, ayaa lagu wareejiyay ciidanka Booliiska dowladda Federaalka.

Raggan ayaa markii la keenay Muqdishu waxaa gacmaha uga jiray sil-silad, iyadoo ay la socdeen askar ka tirsan Interpol oo ku wehlinayay diyaarad qaas ah oo saaka ka soo qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Jubba.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii dalka Somalia laga soo dejiyay nin magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Cumar Cabdulle oo isna ka mid ahaa dadka wax tahriibiya, kaasoo laga soo qabtay magaalada Jubba ee dalka Koofurta Sudan.

Waddanka Somalia, ayaa safka hore uga jira waddamada dadkoodu u tahriibaan Yurub iyagoo halis galinaya nafsadooda, waxaana arrintan ka qayb qaata shabakado isku xiran oo ku kala sugan Somalia, Uganda, Koofurta Sudan, Sudan, Masar, Libiya illaa Talyaaniga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM