Xubno laga eryay sirdoonka Soomaaliya iyo sababta oo la shaaciyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka DF ayaa shaacisay inay shaqada ka ruqseysay shan xubnood, oo ay sheegtay in aysan u qalmin kasii mid ahaanshaha NISA, laguna aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah.

Wareegto kasoo baxday Hey’adda, June 18 ayaa qeexday in shan xubnood oo ka horyimid hanaanka shaqo gudasho, sidaas darteedna ay ku waayeen xubinnimadoodii NISA, oo ah hey'ad sirdoonka uu Mareykanka maalgeliyo.

NISA ma aysan shaacin magacyada shanta xubnood ee shaqada laga eryay.

Hey'addan dhinaca Sirdoonka qaabilsan ayaa waxaa hadda hogaankeeda haya, Fahad Yaasiin oo agaasime KMG ka ah, isagoo sidoo kale ah ku xigeenka agaasimaha, xilkaasi oo uu Farmaajo u magacaabey August, 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM