Xukuumada iyo Yariisow oo isku haya adeega caafimaadka ee Xajka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kala aragti duwanaanshiyo u dhaxeysay maamulka gobolka Banaadir iyo xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa dibadda u soo ifbaxeysa.

Is-maandhaafkan oo noqoneysa duufaan siyaasadeed oo cusub ayaa waxay salka ku hayaa cidda bixineysa adeega caafimaadka Xajka ee sanadkan 2019.

Wasaaradda Caafimaadka ee federaalka ah ayaa war-saxaafadeed ay soo saartey ku sheegtay in ay iyadda maamuleyso, isla markaana ay u diyaar-garowday.

Hasa ahaatee, warkaasi wuxuu yimid iyadda oo maamulka gobolka Banaadir uu mar sii horeysay oo todobaadkii hore uu arrintaasi ku ku dhawaaqay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in wasaaradda ay "ka maseyrtay" maamulkiisa, isagoo ku eedeeyay "xaasidnimo".

"Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas'uuliyada G/Banaadir, halka Wasaaradu mas'uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka gobolada oo dhan," ayuu ku yiri.

Sikastaba ha ahaatee, khilaafkan cusub ayaa waxa uu imaanayaa iyadda oo ay dood ka taagan tahay lacagta Xajka sanadkan, kaasi oo laba heer loo sameeyay. [Halkan ka akhriso]

WAR-SAXAAFADEEDKA WASAARADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM