Xukuumada oo beenisay warar laga faafiyey shirka doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maalinta koowaad ee shirka arrimaha doorashooyinka ayaa soo idlaadey. Wadahadalada waxay kusoo gabagaboobeen jawi wanaagsan, berrina ayaana la isugu soo laaban doonaa, sida ay sheegtay xukuumada xilgaarsiinta oo rajo ka muujisay in wadaxaajoodyada ay "go'aano fiican kasoo baxaan".

Afhayeenka xukuumadda xilgaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka la xiriira in maalinta koowaad ee shirka looga doodey qodobo la isku fahmi waayey.

"Waxaa soo gabagaboobay maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ee ka furmay Muqdisho uuna shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble. Shirka oo ku soo idlaalay jawi is faham ayaa la isugu soo laaban doonaa berri oo Axad ah," ayuu tibaaxay Macalimuu.

Wadaxaajoodyadda ayaa loo arkaa in ay fursad u yihiin in hogaamiyeyaasha Soomaalida ay isfaham buuxa uga gaaraan qaabka dalka u aadayo doorashooyin loo-dhan yahay.

"Wararka qaar ee leysla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu hishiiyay isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’isu Wasaare Rooble waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn. Shirka jawi wanaagsan ayuu ku bilowday wuuna sii socon doonaa inshallah. Hishiis rasmi ah marka waan idinla wadaagi doonnaa," ayuu ka dhawaajiyey Macalimuu.

Dhanka kale, Senator Abshir Axmed Bukhaari, ku xigeenka koowaad ee afhayeenka Aqalka Sare, ayaa ka digay in Villa Soomaaliya ay carqaladeyso wadahadalada bilowga ah.

"Waa hubaal in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka uu guuleysanayo IA hadii laga badbaado caqabadihii Farmaajo ee ahaa Ila-meeraysada; “Diin god gal, god Goray gal; Goray god gal, god Diin gal.” Hadaba aniga afeefteydu waa ninkaas Farmaajo ah indhaha ha lagu hayo," ayuu ku qoray bartiisa Facebook.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM