Xukuumada oo naqdiday odayaashii guddiga doorashada Jubbaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor-timid odayaasha guddiga doorashooyinka Jubbaland sheegay in ay soo xulayaan Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada maamulkaasi.

Odayaashaasi oo ka kooban 135 xubnood ayaa waxaa la tilmaamay in ay ka kala socdaan dhamaan dhinacyadda ku heshiiyey dhismaha dowlad goboleedka Jubbaland. [Halkan ka akhriso]

Hasa ahaatee war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu qeexay odayaasha aysan waafaqsanayn "diiwaan-gelinta Wasaarada ee dhaqanka rasmiga ah ee beelaha Jubbaland".

Bayaanka oo lagu caddeeyay in Wasaaradu diyaar u tahay in ay la shaqeyso Guddiga iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa ka digtay "khatar ka imaan karta" in odayaashan ay soo xulaan Xildhibaanada.

"Diiwaan-gelinta murashaxiinta ansax ma noqoneyso inta laga soo xulayo Xildhibaanada," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Wasaarada oo warsidaha Garowe Online uu arkay.

Talaabadan oo uusan weli ka jawaabin maamulka Kismaayo ayaa kusoo beegmeysa iyadda oo coddeynta Jubbaland loo balansan yahay bisha dambe ee August, taasi oo ay ka harsan tahay maalma kooban.

Murashaxiinta qaarkood ayaa la diiwaan-geliyay oo uu kamid yahay madaxweyne Axmed Madoobe oo doonaya in uu difaacdo kursiga oo uu ku fadhiyo tan iyo sanadkii 2013-kii.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM