Xukuumada oo shaacisay in laga heshiiyey muranka doorashada

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibada xukuumadda xilgaarsiinta, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa galabnimadii Talaadada wuxuu u sheegay in madaxda Soomaalida ee Muqdisho uga arrinsanaya xalka khilaafka doorashooyinka ay "mabda'ahaan ka heshiiyeen saddexdii qodob ee muranka ka taagnaa".

"War-murtiyeedka wuxuu soo bixi doonaa 27-da May, 2021," ayuu ku daray Maxamuud. Xukuumadda waxay u muuqataa mid la wadaagtay heshiiska iyadda oo aan loo gudbin shacabka.

Warsidaha Garowe Online oo la hadlay dhinacyo si weyn ugu dhow wadaxaajoodyadda ayaa xaqiijiyey in qodobada madaxda isku-afgarteen ay kala yihiin siddaan hoos ku xusan;

1: In qadiyada gobolka Gedo lagu xaliyo soojeedinta wadahadaladii ka dhacay caasimada ku meelgaarka maamulka Koonfur Galbeed Baydhabo

2: In is-mari-waaga xulista wakiilada Somaliland lagula xaliyo isla soojeedintii Baydhabo (oo ah in labada dhinac ee isku haya ay xubno isku mid ah ku yeeshaan nidaamka)

3: In ay shir guud isugu yimaadaan madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo, ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta, Rooble, iyo madaxwayneyaasha maamul goboleedyada.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in kulankan uu ujeediisu yahay in lagu soo afjaro madmadow iyo weji gabax dhexyaala hogaamiyeyaasha Soomaalida.

4: In munaasabada lagu saxiixayo heshiiska wadahadalada Afasiyooni ay kawada ka qeybgalaan isla markaana hadaljeedin ka sameeyaan dhamaan daneeyeyaasha.

Dhanka kale, ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee UN-ka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa ku booriyey madaxda Soomaalida tanaasulka ay ka sameeyeen qodobadda qaarkood.

"Waa lama huraan in geedi-socodka shirka ka socda Muqdisho uu keeno heshiis la fulin karo oo lagu qabanayo doorashooyinka waqtiga ugu yar ee suurtogalka ah," ayuu yiri James Swan.

Swan ayaa xusay: "Waxaan bogaadinayaa dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida ee tanaasulka iyo is-afgarad u sameeyay ... danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Tanaasulka waa mid weli lama huraan u ah in horay loo socdo".

Wadaxaajoodyadda Muqdisho oo kuwii horey uga duwan in uu garwadeen ka yahay ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, in uu ka maqan yahay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo iyo in madaxda ay si furan oo laab-xaarni ah u wada doodayaan ayaa soo bilowday Sabtidii todobaadkan iyaddoo rajadu sareyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM