Xukuumada Soomaaliya oo qiil u yeeshay ciidanka ay geysay Raaskambooni

Image
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa warbixintan geysay shirka golaha Wasiirada dowladda federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, qorshaha isbeddelka Qaranka iyo heerka ay mareyso canshuurta iibka oo tan iyo muddaddii la bilaabay sameeyey sare-ukac ballaaran.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta ciidanka Qaranka ee la geeyey deegaanka Raaskamboni ee Jubbaland, waxa uu ka dhegeystay Wasaaradda Amniga Gudaha, iyada oo tilmaamtay in ujeedka ciidanka loo geeyey uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga deegaannadii ay ka baxeen ciidanka ATMIS, si ay u xaqiijiyaan amniga goobahaas.

Sidoo kale, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029, oo diyaarintiisu ay socotay muddo sanad ku dhow, haddana maraya heer gabo-gebo ah, kaas oo dhaqan geli doona sanadka 2025, isla markaana beddeli doona qorshaha horumarinta Qaranka (NDP-9).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM