Xukuumadda cusub oo lagu baaqay in ay noqoto midnimo qaran

Image
Xukuumad ku saleysan kooxo ayaa laga sheegay in ay Soomaaliya honey "ugu soo gubatay".

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha la doortey Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta qado la yeelanaya madaxda maamulada Soomaaliya. Kulankaan waxa uu noqonaya midkii ugu horeeyey tan iyo intii loo doortey xilka May, 15, 2022.

Waxaa xummaa xiriirka madaxweynihii lagaga adkaadey doorashada Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo maamulada Soomaaliya. Maamulkii hore waxaa lagu eedeeyay in uu isku-dayay in uu maamuladda geeyo madax taabacsan.

Shirkan wuxuu daba-socdaa wadahadalo kale oo isla maanta Villa Soomaaliya ku dhexmaray Farmaajo iyo Xasan Sheekh. Is-araggan waxaa diiradda ku saarey is-xog-wareysi iyo dardargelinta munaasabadda xil-wareejinta.

Wadaxaajoodyadda gaargaarka ah ayaa la filayaa in ay sii socdaan maalmaha soo aadan maadaama la guda galayo geedi-socodka lagu soo xulayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda soo aadan si uu u soo magacaabo golaha wasiiradda.

"Maya xukuumad kooxeedyo"

Kahor magacaabida xukuumadda cusub, waxaa durba soo baxaya baaqyadda loo dirayo hogaanka cusub ee dalka. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow wuxuu soo jeediyey in xukuumadda cusub ay noqoto mid midnimo-qaran leh.

Baadiyow oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa hoosta ka xariiqay dalka horey loogu soo gubtey wax uu ku qeexay "xukuumad kooxeedyo".

"Badbaadada Somaliya waxey ku jirtaa in la dhiso xukuumad midnimo-qaran oo keenta wadajir iyo towfiiq. Xukuumad kooxeedyo hore ayaa loogu soo gubtay," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Madaxwayne Xassan Sheikh wuxuu leeyahay waaya-aragnimo, waxaana laga rajeenayaa inuu dhayo dhaawacyadii ka dhashay doorashada. Ilaahow towfiiq".

Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale ah hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee gudaha dalka Soomaaliya loogu doortey si dimuqraadi ah muddo laba jeer ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM