Xukuumadda oo meelmarisay heshiisyo ay la gashay Qadar iyo South Korea

Image
Heshiiska Kuuriyada Koonfureed wuxuu khuseeyaa wareejinta maxaabiista xukuman.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay yeeshay kulan deg-deg ah ayaa ansixiyey heshiisyo dhowr ah.

Heshiisyadan waxaa kamid ah hindise sharciyeedka iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo iska kaashanaya Arrimaha Beeraha.

Sidoo kale waxay meelmariyeen Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta, iyo heshiis ku saabsan shaqo qorista shaqaalaha oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Shirka degdeg ahaa ayaa waxaa si gaar ah u guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, iyo dib u xoreynta deegaannada ay ku suganyihiin Al-Shabaab.

Sidda laga soo xigtay qoraalk, Goluhu wuxuu meel-mariyey heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman oo ay kala saxeexdeen Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM