Xukuumadda oo meelmarisay heshiisyo ay la gashay Qadar iyo South Korea

Image
Heshiiska Kuuriyada Koonfureed wuxuu khuseeyaa wareejinta maxaabiista xukuman.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay yeeshay kulan deg-deg ah ayaa ansixiyey heshiisyo dhowr ah.

Heshiisyadan waxaa kamid ah hindise sharciyeedka iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo iska kaashanaya Arrimaha Beeraha.

Sidoo kale waxay meelmariyeen Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta, iyo heshiis ku saabsan shaqo qorista shaqaalaha oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Shirka degdeg ahaa ayaa waxaa si gaar ah u guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, iyo dib u xoreynta deegaannada ay ku suganyihiin Al-Shabaab.

Sidda laga soo xigtay qoraalk, Goluhu wuxuu meel-mariyey heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman oo ay kala saxeexdeen Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM