Xukuumadda oo Somaliland uga mahad-naqday talaabo ay qaadey

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha dhaqanka ee dhawaan Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo hoggaaminayay odayaashii dhaqanka ee Madaxweynaha Somaliland kala soo wareegay 19-ka Maxbuus ee cafiska uu u fidyay ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war bixiyay sidii Soomaalinimada, xushmadda iyo qadarinta laheyd ee loo soo dhaweeyay.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madaweynaha Somaliland ku ammaanay soo dhaweynta Soomaalinimada leh ee uu ku qaabilay odayaasha gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sidoo kale odyaasha dhaqanka uga mahad celiyay gacanta ay ka geysteen in mawaadiniinta Soomaaliyeed ay xorriyaddooda dib u helaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii wadaan dowrka ballaaran ee dhaqanku ku leeyahay bulshada dhexdeeda.

Intii kulanku uu socday ayaa odayaahu waxa ay codsadeen in la soo daayo oo iyana cafis loo fidiyo mawaadiniin kale oo dhallinyaradan ay isku xukun ahaayeen oo ku xiran Puntland iyo xabsiga dhexe ee dalka.

Xafiiska Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka

Related Articles

Dowlad Dhiskii Soomaaliya oo Qarka u Saaran Burbur

Marka laga eego gudaha Mareykanka, waxaa jira aragtiyo cusub oo sheegaya in Somaliland….

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 07:26AM

Mogadishu oo halis ku jirta iyadoo Al-Shabaab ay dhul horleh la wareegayso

Warbixinta ay soo saartay The Soufan Center ayaa muujisay in Al-Shabaab…

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 09:10PM