Xulafadda Farmaajo iyo Rooble oo wajahaya waji-gabax

Image
Xulafadda Farmaajo iyo Rooble oo wajahaya waji-gabax

KISMAAYO, Jubaland – Cabdi Cali Raage oo ah la-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxwaynaha mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaaday Farmaajo ayaa sheegay in loo diiday inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee HOP#072, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Raage ayaa sheegay in gaaray magaalada Kismaayo, si uu ugu tartamo kursigaas, balse waxa uu sheegay caqabad uu dhaafi waayey inuu kala kulmay tallaabadii koowaad ee uu qaaday, si tartanka doorashada uu isugu diyaariyo.

“Markii aan soo gaaray Kismaayo waxaan abaaray halka laga qaato warqadda xaqiijinta amniga, balse waa la ii diiday, mar kale waxaan aaday goobtii shahaadada musharaxnimada laga qaadanayey, balse waxay igu xujeeyeen warqadihii la ii soo diiday ee amniga,” ayuu yiri Cabdi Cali Raage.

La-taliyaha doorashooyinka ee Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in odayaasha soo xulaya ergada kursigaas ee liiskooda la soo saaray aysan aheyn kuwii saxda ahaa ee beesha.

“Odayaasha beesha Maqaabul wax talo ah kuma laha kursigaas, go’aankoodu waa in aysan wax shaqo ah ku laheyn wixii ka soo baxa natiijada boobka ku socda kursigaas, waxaan u sheegayaa beesha iska leh kursigaan in boob xoog leh uu socdo, kamana hari doono ilaa meesha u dambeysa aan isla gaarno,” ayuu yiri.

Cabdi Cali Raage ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyey madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, isagoo sheegay in beeshiisa Maqaabul uu mudo dheer ku soo tacadinayey, isla markaana uu hadda diyaar u yahay inuu hoggaamiyo kacdoon ka dhan ah.      

“Waxaan rabaa inaan u sheego dadka in kursiga beesha Maqaabul hadii qof aysan beeshu dooneyn uu siiyey Axmed Madoobe ay ka dhigan tahay inuu bixiyey kursiga beeshiisa, arrintaan waxaa iyadoo Axmeed Madoobe kursiga beeshiisa uu bixiyey oo kale,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Dhanka kale, wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta, Cabdixakiim Ashkir ayaa sheegay in loo diiday kursi Xildhibaannimo oo deegaan doorashadiisa tahay Kismaayo.

Ashkir oo doonayay inuu u tartamo kursiga HOP079 oo horay qoondo u ahaa ayuu tibaaxay "in loo xiray shaqsi gaar ah oo uu watay Madaxweynaha Jubbaland".

Sikastaba, Ashkir iyo Cali Raage ayaa ka mid noqonaya tiro Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno saaxiibo la ahaa Farmaajo kuraas ka soo waayay deegaanada ay ka soo jeedaan.

HOP#072 ee uu raadinayo lataliyaha Farmaajo waxaa horay ugu fadhiyay Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo hada markale kula tartamaya waxaana maanta kula Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi oo qaatay shahaadada musharaxnimada.

11April 2019, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe) ayaa shaqada ka cayriyay Cabdi Cali Raage oo ahaa la taliyihiisa arrimaha siyaasadda, waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyay uu la shaqaynayay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Farmaajo.

Madaxweyne Farnaajo ayaa 30 July 2020, u magacaabay Cabdi Cali Raagge lataliyihiisa arrimaha doorashooyinka waxa uuna kulamo badan oo dhanka doorashooyinka ah oo dhexmaray madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada uu ku matalay Villa Soomaaliya.

Cabdi Cali Raagge, ayaa aad ula shaqeeyay Villa Somalia xilligii ay dadaal ugu jirtay in ay xilka ka tuurto Axmed Madoobe oo ku guulaystay codayn ka dhacday Kismaayo bartamihii 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM