Xundubey: Dowlada waa ku filan tahay qabashada Muqdisho

Image

MUQDISHO , Soomaaliya - Wasiirka amniga xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale ayaa maanta sheegay in ay caasimada Muqdisho kusoo kordheen "dad leh dhaqan mooryaanimo".

Dowladda federaalka ah ee waqtiga ak dhacay ayuu xusay in ay "awood u leedahay in ay gacan bir ah ku qabato magaalada "balse ay u tureyso in aan shacabka lagu dhex-dagaalamin".

Abaabulka ciidan ee mucaaradka waddo kana dhanka ah taliska Farmaajo ayuu ka digay "in gabaad u noqdaan kooxaha argagixisada iyo mooryaan aysan hadhow maamuli karin".

Dadweynaha oo barakac xoogan ka wada qeybaha kamid ah caasimada sababo ku aadan cabsida dagaalka ayuu ku tartarsiiyey "in ay ilaashadaan nabada ay dhibta u soo mareen in ay helaan".

Dhawaqa wasiirka ayaa u muuqda mid jawaab u ah dhaqdhaqaaqa ciidan ee mucaaradka oo ku xoogeystay magaala madaxda Soomaaliya isla markaana ku qabsadeen aagag ballaaran.

Aagaga ay la wareegeen ciidamadda oo ku teedsan degmooyinka Hodan, Holwadaag iyo qaybo kamid ah Waaberi ayaa kaabiga ku haya Madaxtooyadda Soomaaliya oo ku dhow go'doomin.

Wakiilada Beesha Caalamka oo ka digay qalalaasaha hubeysan ayaa ku baaqay is-xakameyn iyo in dib loogu laabto wadaxaajoodyadda "oo ah qaabka kaliya ee lagu helo hab heshiis lagu yahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM