Xuud oo cadeeyay mooqifkiisa ciidanka la geeyay Beledweyne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo sabti maanta wariyeyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay ciidamada la geeyey Beledweyne iyo wada hadalka uu ku jiro Villa Somalia ka dib markii uu dhawaan laga soo kaxeeyay magaaladda Baledweyne.

Xuud oo amaanay in lagu soo dhaweeyay Muqdisho ayaa sheegay inuu la kulmay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hada ku howlan sidii dib loogu dooran lahaa.

“Farmaajo waan is aragnay arrintaas waxba kama uu qabo Soomaalinimo ayuu u istaagay ra’iisul wasaarahana, insha allah waan is arki doonaa isagana waxaan leenahay Soomaali fiiri u istaag dhammaan Soomaali,” ayuu warbaahinta u sheegay.

Isaga oo ka hadlaayay ujeedka socdaalkiisa magaalada Muqdisho iyo wada-hadallada u bilowday isaga iyo Villa Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inuu u socdo heshiis ku aadan sidii xal waara looga gaari lahaa tabashada reer Hiiraan.

“Waxaan nimid xamar waxaan u nimid dowladda heshiis ayaa noo wada socda heshiiskaas waa mid u faa’iideynaaya Ummadda reer Hiiraan, heshiiskaas wuxuu noqon doonaa mid labada dhinacba laga istaago,”

Waxa uu hadalkiisa ku daray “Annaga kacdoonka shacabka Hiiraan ayaa nala yiraahdaa kama tanasulin arrintii aan u istaagnay nin walbo haddaba dhagahaaga ku heyso annaga dad u yimid in la gato maahin, waana ka weynahay. Lacag wax ay tarto malaha karaamaa wax tarta.

Dhinaca kale Xuud ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo dhowaan si kulul uga hadlay xiisadda magaalada Bedweyne, wuxuuna ugu jawaabay Jeneraalku: “Daraad waan maqlaayey waxa uu ku hadlaayey Dabageed walaalkey aqoon darraa u geysay anne waaa i caaynayaa oo waalkiisaan ahay, Cali Guudlaawana soo dhowaaw ayuu leeyahay waa ayaan darro weyn oo meesha taallo weeyey."

Mar uu ka hadlayay ciidanka Villa Soomaaliya ku daabushay Baledweyne ayuu sheegay “Ciidankaas Beledweyne la geeyey haddi uu u shaqeyn waayo si Soomaalinimo ah waan soo celineynaa hadduu Soomaalinimo u shaqeeyane waa ciidankii aan baahneyn,”.

Hadalka hogaamiyahaan ayaa kusoo aadayo, iyada weli xaalad kacsan ay ka jirto magaalada Beledweyne oo lagu qabanayo doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, waxaana xiisaddu ay kasii dartay markii ay dowladda Soomaaliya ciidamo u dirtay halkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM