Yaa bixinaya shahaadooyinka rasmiga ah ee Xildhibaanadda?

Image
Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ayaa mareysa heer gebogebo ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay xog-hayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac ka dib kulan ka dhacay xafiiska wasiirka 1aad ee xukumadda Soomaaliya.

Kulanka ayay kaga wada hadlaan arrimo ku saabsan u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal, si waafaqsan jadwalkii uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.

Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa mareysa heer gebogebo ah, waxaana lagu wadaa in dhawaan ay mudaneyaasha labada aqal soo wada gaaraan Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, ka dibna loo doorto guddoonnada labada aqal.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa 14-ka April u asteeyay in lagu soo gebogebeeyo doorashada labada aqal iyo guddoonkooda, si loogu gudbo doorashada madaxweynaha dalka.

Dhaarinta xildhibaanada labada aqal iyo shahaado siintooda oo ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka waxaa ka soo horjeestay dowlad-goboleedka Koofur Galbeed iyo Galmudug.

Laftagareen, hoggaamiyaha Koofur Galbeed ayaa shahaadooyinka siiyay xildhibaanada lagu soo doortay Baydhabo iyo Baraawe taas oo guddiga doorashada heer Faderaal uu qaadacay.

Kooxda Farmaajo oo fahamsan in hadii guddiga doorashada heer Faderaal oo hoostaga xafiiska Rooble hadii looga dambeeyo bixinta shahaada ay u diidi karaan xubno kuraastooda loo boobay uu ku jiro Fahad Yaasiin Daahir iyo Yaasiin Faray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM