Yaa maamula ammaanka Xalane oo doorashadu ka dhacayso?

Image
Khilaafka iyo muran ka taagan amniga doorashada ayaa salka ku haaya damaca "waalan" Farmaajo ku doonayo in uu sii joogo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Samiira Gaid oo ka hadashay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in "Warqaaha xafiisyadda madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Roble ay yihiin kuwa siyaasadeysan".

Lataliyihii hore ee amniga ra'iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale warqadaha ku qeexdey "fariin u diraaya taageereyaashooda balse ay ATMIS ay masuul ka tahay amniga xerada Xalane oo ay doorashadu ka dhacayso".

“Kaalinta koowaad ee amniga Xalane waxaa iska leh howlgalka ATMIS," ayaa Samiira ka sheegtay Twetter Space Garowe Online oo lagu faaqiday amniga doorashada Soomaaliya.

Samiira ayaa sheegtay in aysan saamayn wayn yeella doodin warqadihii ka soo baxay xafiiska Rooble iyo tan Farmaajo oo jawaabta u eheyd sababtoo amniga Xalane marka la joogo waxaa ka masuul ah howlgalka Midowga Afrika.

Samiira Gaid oo horay uga soo shaqaysay dib u habaynta ciidanka ayaa sheegtay in AMISOM iyo Taliye Xijaarba ay ku qasbanyihiin in ay qaataan liiska Xildhibaanada uu soo gudbiyo gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka kaas oo horay u dhaariyay xildhibaanadii lagu soo doortay magaaladda Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Khilaafka iyo muran ka taagan amniga doorashada ayaa salka ku haaya in Farmaajo doonayo in 16 kursi ee lagu soo doortay Garbahaaray ay ka qayb galaan codaynta iyaga oo aan marin sharciyada guddiyada SEIT Jubbaland, FEIT iyo gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka.

Sida ku xusan heshiiska golaha wadatashiga qaran taliyaha booliska Soomaaliya ah madax amniga doorashada balse taliye Xijaar ayaa lagu eedeeyay in uu gabay masuuliyadiisa isla markaana la saftay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DP World: "Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka ma saameyn doonto shaqada dekedda Berbera"

Xaaladdan ayaa timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay gebi ahaanba xiriirkii iskaashiga u jartay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 01:37PM

Go’aankii dowladda Federaalka ee heshiisyada Imaaraadka oo la kulmay diidmo adag

Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin diidmada wadajirka ah ee ka timid Jubaland, Puntland iyo Somaliland.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 09:18AM