Yuusuf Dabageed oo ka hadlay xilka qaadista lagu sameeyay

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Gudoomiyahii gobolka HiiraanYuusuf Dabageed, ayaa ka hadlay xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare maalintii shalay.

Isagoo saxaafadda kula hadlayay Beledweyne, Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in xilka loogu magacaabey markii hore heshiis dhex-maray madaxda maamulka HirShabelle iyo dowladda Federaalka, sidaasi darteedna uusan Waare shaqada ka ceyrin karin.

Dabageed ayaa si degdeg ah xilkii looga qaadey kadib markii uu eedeymo culus u jeediyay Madaxweyne Waare, waxaana xilka qaadistii sababtay in maamulka gobolka Hiiraan mas'uuliyiintiisa ku kala qeybsamaan.

Ciidamo taabacsan Yuusuf Dabageed ayaa la sheegay inay la wareegeen Koontaroolada laga galo Beledwyne iyo xaruumo maaliyadeed, kadib markii uu soo saarey Madaxweyne ku xigeenka Cali Guudlaawe amar lagu soo xirayo gudoomiyaha gobolka.

Warar hoose oo uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay inuu jiray khilaaf u dhaxeeyay Waare iyo Dabageed oo ku aadan qaadista lacaga canshuuraha iyo halka lagu shubayo dhaqaalaha kasoo xarooda gobolka Hiiraan.

Yuusuf Daabageed ayaa diiday inuu lacagta ku shubo khasnadda maamulka HirShabeelle, isagoo ku doodaya in dhaqaalaha gobolka ay xaq u leeyihiin shacabkiisa, maadaama gobolka Shabeellaha Dhexe la wadaagin.

Waare ayaa saddex gudoomiye u magacaabey Hiiraan mudo labo sano ah oo isaga uu xafiiska joogo, waxaana arrimaha ay qeyb ka yihiin fashilka dhinaca siyaasadda iyo khilaafka wali ka taagan HirShabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM