Dalalka Islaamka oo mooshin culus ka gudbiyey Reer Galbeedka

Image
Mooshinkan ayaa ah mid looga dhiidhinayo xadgudubka ka dhanka ah Kitaabka Qur'aamka Kariimka.

NEW YORK, United States - Waddamada Islaamka ee ay Iran iyo Pakistan ayaa sheegay in xadgudubka Qur'aamka Kariimka loogu geysanayo wadamadda Yurub uu horseedi karo hurin colaadeed.

Dowladahan ayaa waxa ay cod dheer ku dalbadeen in lala xisaabtamo kooxaha ka dambeeya falalkan, kaddib markii dhowr arrimood oo Sweden ka dhacay ay dhaliyeen falcelinno caalami ah.

Dalalka Islaamka ayaa mooshin la xiriira qaddiyadan waxa Talaadadii shalay ahayd ka gudbiyeen hay'adda xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ka jawaabayo dhacdadii ugu dambeysay bishii hore.

Mooshinka ayaa reer galbeedka ugu yeeraya inay dib u eegaan sharciyadooda oo ay daboolaan daldaloolada laga yaabo inay "caqaladeeyaan ka hortagga iyo dacwad-ku-soo-celinta falalka iyo u doodista nacaybka diinta".

Dooddu waxay iftiimisay khilaafaad ka dhex jira Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee u dhexeeya Ururka Iskaashiga Islaamka iyo xubnaha reer galbeedka.

Dalalka Reer Galbeedka ayaa ka walaacsan saamaynta uu mooshinka ku leeyahay xorriyatul qawlka iyo sidoo kale caqabadaha hortaagan dhaqamada muddada dheer soo jiray ee ilaalinta xuquuqda.

Muhaajir u dhashay dalka Ciraaq kuna nool Sweden ayaa bishii lasoo dhaafay ee Ciidul Adxa ka dhex-gubay Qur’aanka kariimka ah bannaanka masaajidka magaalada Stockholm.

Falkan ayaa waxaa ka dhashay caro guud oo dunida Muslimka ah iyo mudaharaadyo caro leh oo ka dhacay magaalooyin badan oo ku yaalla waddanka Pakistan.

Sannadkii 2020-kii, xubno ka tirsan kooxda midigta-fog ee Denmark ayaa ku gubay kitaabka qur’aanka kariimka magaalada Stockholm, maalmo kadib dhacdo lamid ah oo laga soo wariyay magaalada Malmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM