UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Image
Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

ANKARA, Turkey - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ee loo yaqaano UNHCR ayaa soo saartay qaraar lagu cambaareynayo gubitaanka Qur’aanka, balse qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka ayaa diiday inay taageeraan qaraarka.

Pakistan iyo dalalka kale ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa dood iyo go’aan ka keenay ka dib markii qaxooti Ciraaqi ah uu Qur'aanka ku gubay bannaanka masaajidka weyn ee Stockholm bishii hore.

Dhacdadan ayaa kicisay diidmo diblomaasiyadeed oo ka kala timid wadamadda iyo dunida Muslimka. Banaanbaxyo lagu cambaareynayo ficilkan foosha xun ayaa ka dhacay caalamka Islaamka.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa taageertay qaraarka ka yimid ururka OIC ee ka hortagga naceybka diinta, waxaana 28 cod ku taageertay 12 mudane, halka 7 ay ka aamuseen.

In kasta oo coddeynta uu u dhacay sacab, haddana waxa golaha ka dhex muuqday qoraallo farxadeed iyo kala qeybsanaan baahsan oo aduunka ka muujiyey falkan.

Britain, Mareykanka, iyo wadamada Midowga Yurub oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Jarmalka, oo lagu daray Costa Rica iyo Montenegro, ayaa u codeeyay diidmada qaraarka.

Erayga qaraarku waxa uu cambaareynayaa dhammaan muujinta nacaybka diineed, oo ay ku jiraan "ficillada caamka ah iyo kuwa la sii qorsheeyay ee lagu xumeynayo Qur'aanka kariimka ah" wuxuuna hoosta ka xariiqayaa baahida loo qabo in lala xisaabtamo kuwa mas'uulka ka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

Dalalka Islaamka oo mooshin culus ka gudbiyey Reer Galbeedka

Mooshinkan ayaa ah mid looga dhiidhinayo xadgudubka ka dhanka ah Kitaabka Qur'aamka Kariimka.

  • Islam

    12-07-2023

  • 02:59AM