Sarkaal ciidan oo 55-xarig ah loogu xukumay Islaam naceybnimo

Image
Dustin Passarelli oo kamid ahaa askarta Mareykanka ayaa lagu helay dilka nin 32 jir ah.

WASHINGTON, United States - Sarkaal muddo badan ka tirsanaa ciidamada Mareykanka ayaa lagu xukumay 55 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay dambi ah inuu dilay qof qaxooti ah oo u dhashay dalka Afgaanistaan ​​isla markaana xilliga uu falkan geysanayay ku qeylinayay hadalo si furan ugu muuqdey naceyb Islaami ah.

Maxkamadeyn saddex maalmood qaadatay ka dib, Dustin Passarelli ayaa lagu xukumay gobolka Indiana ee bartamaha-galbeedka ee Mareykanka. Passarelli ayaa lagu helay dilka Mustafa Ayoubi, oo 32 jir ah.

Ayoubi ma uusan hubeysneyn xilliga la dilayay, kaas oo bishii February 2019 ka dhacay dhanka galbeed ee magaalada Indianapolis. Baaritaanka meydka ayaa muujinayay in Ayoubi lagu toogtay sideed xabadood oo ay ku jiraan todobo xabadood oo dhabarka ka haleeshay.

Kadib markii ay jidka hadalo isku-dhaafsadeen, Passarrelli ayaa dabagalay Ayoubi. Hadalo Islaam nacayb ah, oo ay ku jiraan "ku laabo dalkaaga," ayuu ku dhahay ka hor inta uusan rasaas furin, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Isaga oo is-difaacaya, Passarrelli waxa uu isku dayay in uu sheegto xanuun dhanka maskaxda ah taas oo uu tibaaxay in ay u keentey waayihii uu kamid ahaa ciidamadda Mareykanka.

Passarelli ma uusan la kulmin wax dambi ah oo naceyb ah, laakiin dilku wuxuu ku soo beegmay iyadoo sharci-dejiyeyaasha Indiana ay ka doodayeen sharciga cusub ee dambiyada nacaybka.

Maxkamadeynta iyo xukunka kadib, walaasha dhibbanaha Zahra Ayoubi ayaa Twitter ku soo qortay: “Adduunyo ay cuqdad iyo cabsi jeexjeexeen, way dheeraaneysaa, nuxurkiisuna waa cad yahay. Naf aad u ifaysa, nacaybku uu soo gaabiyo, dhulka hoose geeyo. Waa in ka badan dhibane, wuxuu ahaa holac, wuu ka adkaadey nacabka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM