Xadgudub ka dhan ah Kitaabka Qur'aanka oo ka dhacay Jarmalka

Image
Yurub ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay waxaa kusoo badanayay falalka noocaan oo kale ah.

BERLIN, Germany - Nuqul kamid ah kitaabka qur’aanka kariimka ah oo la gubay ayaa laga soo tuuray gaari marayay afaafka hore ee masjid ku yaalla Koonfur-galbeed ee Jarmalka, sidda uu xaqiijiyey ururka Turkiga-Islaamka.

Shilkan ayaa ka dhacay afaafka hore ee Masjidka Mimar Sinan ee magaalada Maulbronn, oo ku yaalla gobolka Baden-Wurttemberg, waxaana la sheegay in uu ka yimid gaari socday.

Cismaan Adıbelli, agaasimaha ururka maamula masaajida oo u waramay warbaahinta Daily Sabaax, ayaa caddeeyay in shilkan uu dhacay habeenimadii Sabtida ee 8-da Luulyo.

"Dhacdadaas ka dib, markii aan dib u eegis ku sameynay muuqaallada ilaalada masaajidka, waxaan aragnay in shay lagu soo tuuray masjidka hortiisa oo ka soo baxay baabuur marayay waddada weyn ee waddada," ayuu yiri.

Isagoo muujinaya murugo iyo walaac weyn oo ku saabsan weerarka, Adibelli oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku dhawaaqay in baaritaan lagu bilaabay falkan.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii weeraro dhowr jeer lagu gubay ama lagu aflagaadeeyay qur’aanka kariimka ah ay ka dhaceen wadamo kala duwan oo Yurub ah.

Falkii ugu dambeeyay oo lagu beegsadey Kitaabka Qur'aanka Kariimka ayaa dhawaan lagu gubay masaajid ku yaala dalka Sweden hortiisa, taasi oo ay ogolaadeen booliska, isla markaana keentay caro caalami ah.

Hogaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta Muslimiinta caalamka ayaa si weyn waxay ku nuuxnuuxsadeen in ceebaynta iyo daandaansiga noocaas ah aysan daboolin shuruucda xoriyatul qawlka isla markaana ay tahay mid aan la ogolaan karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM